XUKUUMADDA KORNAYL MUUSE BIIXI OO XABSIGA DHIGTAY TIFAFTIRIHII SHABAKADDA HADHWANAAG NEWS CABDI QANI ASPORO

Xukuumadda Somaliland ayaa Habeenkii Xalay Ahaa Kolonyo Ciidamo ah Ku Weerartay goob uu ku sugnaa Tifatirhii Shabakadda Hadhwanaag news cabdi qani asporo kaasoo niskiii dambe ee xalay is rasaasayn fara badan kadib ay ciidanku  gacanta ku soo dhigeen

lama garanayo ujeedada keentay xadhiga wariye cabdi qani asporo balse wararka qaar ayaa sheegaya in gudoomiyaha baanka iyo xukuumadda oo is garabsanayaa ay ka dambeeyaan xadhigan iyo xayiraada la saaray shabakadda hadhwanaag news

si kastaba ha ahaatee mudadii xukuumadda kornayl biixi joogtay waxa dalka ku soo badanaya xadhiga iyo xayiraada lagu hayo warbaahinta madaxa banaan ee dalka

Read the original article on Baligubadlemedia

Advertisements

Be the first to comment

Leave a Reply