Xil. Janalaha Burco ee Borama u taariikho tirsanayow Awdal Waxa ay Gobol iyo Maamul Noqotay Somaliland & Somalia oo Magac iyo Maamul ahaan Midna aan jirin sida ku cad Xoggahan taariikhaysan. By: Khadar-Libaaxley.

Wey   dhaci   kartaa in   lagu khaldey   ama Xisaab rasadeedu     khaldantahay aad ka rarato    meel iimeysan oo dhex iyo   dhexdhexaadnimada ka fog Xil. Cabdirisaaq  janaalow, waxa se aan jeclaystay in aan     ku saxo adiga iyo inta kula fikir ka ah   iyo bulshada xaruurta ah ee aad qaladeen;   sixitaankan aan idin saxayo iyo qoddobadan aan tirin   doono waxa aan dhamaantood u daliishanayaa Xoggo rasmi  ah oo ku Qoran sooyaalka taariikhda gaar ahaan ( 4 Book )   oo ay qoreen qaar ka mid ah madaxdii gumeystaha ingiriiska,  aqoonyahno, taariikh baadhayaal iyo raad-raacayaal madax banaan oo dhamaantood   ajaanib ; kuwaasi oo dhamaantood qiraya oo ku daraya tirsiga taariikhda    afrika sida tan:-

1.)AWDAL  oo sidatay   Magaca ADAL ay    aheyd Gobol iyo Maamul    Caasimad ah oo ka mid ah  5tii Maamul goboleed ee hoos    iman jiray Boqor tooyadii ADAL; iyada  oo Maamulku ka curtay 1250, Awdal / ADAL   ay noqotay Gobol iyo Caasimada Boqortooyada     horaantii Qarnigii 13aad , Xilligaasi oo aaney   jirin Somaliland & Somalia, iskaba dhaaf maamul kale  iyo degmo iyo Goboltoona, oo waliba Xilligaa Djabuuti   iyo Berbera looga talin jiray Gobolka ADAL ee Caasimadiisu    aheyd Saylac; waxa kale oo ay Caasimad u aheyd 5tii Dawlad-goboleed   ee hoos iman jiray Maamulka ADAL ; 5taasi waa 5ta uu gumeystuhu uga   xisaab qaadey in soomaalida 5 loo qaybiyo mar kalena waa 5tii AL-baab     ee Caasimada Saylac ay lahaan jirtay.

1a) Awdal- Saylac   ah waa albaabkii     ingiriisku Somaliland ka   soogaley 1854 iyada oo waliba     awdal aaney luminin gobolnimadeedii laga   soo bilaabo horaantii Qarnigii 13aad illaa    imaatinkii ingiriiska; waxa kale oo ay aheyd    Caasimadii u horeysay ee ingiriisku Somaliland ka   xukumo 14 kii sanno ee u horeyey illeyn ma jirin     meel kale oo macno la sheego la hayd oo magaalo   ah , maamul iyo nidaamna waliba ka dhisanyahay imaatinkii     ingiriiska hortii, xataa magaca Somaliland ma jirin.

1b)   illaaladii   ingiriisku   waxa ay lumisay    Gobolnimadii AWDAL ee   soo taxneyd illaa Qarnigii  13aad illa 1919 Xilligii uu    rasmi u bilaabmay in Dagaal lagu    qaado sayid Maxamed Cabdale xasan;   isla Xilligaasi ay Awdal gobolnimadeedu   baabaday ayaa waxa dhalatay in Somaliland   loo qaybiyo 2 gobol Gobol Nabadeed oo Caasimadiisu    tahay Berbera oo ingiriiska iyo ciidankiisu ka soo     duulayeen iyo Gobol Collaadeed Caasimadiisu tahay Burco oo sayidka    iyo ciidankiisu ka ag dhawaayeen; 1919 AWDAL waxa kale oo ay    lumisay xataa caasimadii Saylac oo ingiriisku waxa uu doortay in uu degmada   Borama xarunta uga dhigo Reer Awdal oo Gobolnimadii iyo Caasimadinimdii Saylac   ee Somaliland shax-badal ku sameeyey isaga oo ku raad-gadanaya Dagaalkii Sayidka ee    sabankaa oogtiisu shidneyd.

2.  Awdal   waa hoyga   Dawladuhu ku    dhismaan ama looga     Caro Qaado, 1 ) waxa   horey loogu soo dhisay   Boqortooyadii Somaalida ee ADAL   ee ka talin jirtay badi dhulka   soomaalida iyo Oromadu maanta Degto ,2)  Awdal waxa kale oo lagu dhisay Dawlada    Somaliland ee maanta shaqeynaysa oo qabta   awdal barakadeedii ; Islaamku Dawladii u horeysay    ee Rasuulku SCW uu hogaaminaayey ma yeelan illaa   Awdal Diintu soo Caga dhigtay Mooyee; laakiin dhulka    Awdal sabankaa Ethiopia ayey ka tirsaneyd.

3. Awdal   waa hoygii    Hadh-galiyey Asxaabtii    Rasuulka hijradii kowaad iyo   labaad ee intaba uu hogaaminaayey    Jacfar bin abii Daalib ee waliba Wiil    ugu dhashay awdal oo Ethiopia ah saban   kaasi, dhacdadaasi waxa daliil u ah (Masjid  Al-Qiblateyn Saylac ) Magaalada madiina mooyee meelkale   oo geeska afrika ah raadkaa Awdal mooyee laga helayna   aaney jirin, markale waa albaabkii diinta islaamku ka   soo galey geeska afrika, mar saddexaad Awdal waa Xaruntii   Cilmiga loo doonan jiray Somaliland sabbankii ingiriisku tallada   haystay iyo dabadeed ba .

4. Awdal      waa hoyga dhalashada    iyo barbaarinta Mujaahidiinta  Afrikada bari, Qaarada afrika ee     heer caalami ah, Mujaahidiintaasi oo   yoolkoodu ahaa Diin , Maamul iyo Ardaa    fidin intaba ayaa waxa ugu caansanaa ( Mujaahid     Siciid Daauud Cali Cumar iyo Wiilka uu Awoowga u ahaa    Mujaahid Axmed Ibraahim Geesaale ( Axmed Gurey) dhamaantood Raxmatullaahi   Caleyhim; iyada oo uu Mujaahid Siciid Daauud Cali taariikh ahaan ku   suntanyahay ninka soomaali dhul inta ay degto ee geeska afrika in uu   yahay mujaahidka u xoreeyey ee soomaalida dhulka u qabtay, Halka Mujaahid   axmed Gureyna yahay Ninka taariikh ahaan iyo jiritaan ummad ahaanba ( Magaca     soomaaliba ) lagu bartay, taa macnaheeduna yahay waa Mujaahidka bixiyey eray bixinta  ( Soomaali ) ; markale Mujaahidiintii SNM ee Somaliland badan kooda gaar ahaan intii u magac  weyneyd Ma jiro nin guuleystay illaa ay gacan weyn ku laheyd mooyaan tusaale ( Mujaahid ahna    Madaxweynihii ugu horeeyey ee Somaliland ahna mujaahidkii wakhtiga guushu dhalatey taariikh nololeedkiisa   shaqo Borama Awdal ayey ka bilaabantaa isla Borama Awdal ayey ku dhamaataa!!!).

5.  Awdal/  ADAL Waa  hoga Madaxnimda ,  Tallada soomaalida   ka hor gumeystaha   ingiriiska ee horaantii    Qarnigii 18aad balse ka   soo bilaabmeysa Badhtamaha Qarnigii  1250 aad waayo waxa ay Xarun u   aheyd madaxdii ruuxiga aheyd ee ( Faadumiyiinta  Dir) kuwaasi oo wadartoodu gaadheyso 38 Ugaas ;   UGAASYADAASI oo Xilligoodii ay tiro yareyd Isirka   Somali ba Cid laheyd Hogaan Ummadeed iyo Nidaam    Dawliya oo shaqeynaaya; kuwaasi oo marka la doorto bil    kadib wadanka Masar loo qaadi jiray si uu shirar iyo Duco   ulla soo yeesho madaxda masar ka arimisa; Madaxnimada aan    sheegayo waxa Daliil u ah ( MAP ) ka Gobolka AWDAL ee KUR   ama Madax Qof binu aadam ah ku Sir Xardhay Illaaladii ingiriisku;   u fiirso oo si fiican u Bogo mapka sawirka Awdal , ma’aha mapka somalilandtu   sameyso balse waa map ka u Qaramada midowbay iyo Hay’adaha caalamiga ah u diwaangashan.

Fiiro   Gaar ah:    Dhamaan   5taa qoddob  ee aan ka   soo Xullay taariikhda   Awdal ee Badweynta ah,    eray kasta oo halkan ku   qoran ma’aha faan , Buun-Buunin,   af-gobaadsi iyo hadalka ku qurxiso     balse waa dhacdo iyo xog rasmi ahaan   u diwaan gashan oo ay ku xafideed Buugaag   Quwadaha maanta tallada aduunka kacanta ku   haya inta malaha aadmigu yidhaahdo ee ay u tun weynyihiin    Boqortooyada ingiriiska , Mareykanka iyo dunida reer galbeedka   iyo waliba Carabta qaarkood.

Gabo-Gabo:

Xil.C/risaaq  janaalow Awdasha   aad moodeyso dhawaan   dhalad , ama Cadow iyo Meel   gumeysi abuureen ah, ma’aha      sidaad moodeyso ama laguugu sheegey    horey , waliba wey qurux badantahay hadal    hortii in aad noqoto xoggogaal sax ah, AWDAL    waa DAL iyo DAD uu hoos u dhigey Gumeystihii    ingiriis isaga oo tallaabooyinkiisa u yeeli jiray Raad   gadasho iyo Sanqadh La’aan.

Awdal    iyo Dadka     reer awdal   waxa ay Somaliland   waxa kaga doonayaan    waa in ay Qiimo u goyso    taariikhda Dadkan iyo gobolkani   Leeyahay ee aaney jirin Gobol   iyo Deegaan soomaali leedahay oo   la taariikh iyo sooyaal ah , Si   la mid ah sida ethoipia u garatay     ee ay u garwaaqsatay Qiimaha iyo sooyaalka   taariikheed ee ay Magaalada Harar .

AWDAL    ma’aha tii    maanta Cidhiidhsan    la hayd Caasimad Xigeen,    waxa sax ah in Awdal hesho    Dawlad-Goboleed majaraha u qabtay tallada     Dadka reer Awdal; Wey u qalantaa in Dastuurka    Somaliland la furo, Somaliland loo shaxeeyo hab siyaasadeed     fadaraal ah oo Qoomiyad kastaa iyadu ismaamusho balse Xarunta    guud noqoto Caasimada Hargaisa, iyada oo la yareynayo indhaha Galbeed    illaa Bari guntii ee soo wada eegaaya Hargaisa.

Magacyahada 4t   Buug ee Xogtan    aan idin la wadaagay    aan hellay ee aan waliba   ka faham dheeriya oo xogo   qarsoon ii bil-dhaamiyey ka hellay   waa :- 1) ( First Foot Steps in East Africa )   waxa qorey Burton, 2) (SUN, SAND & SOMALIS) waxa    qorey Madaxii ugu horeeyey ee ingiriisku u soo     magacaabey Somaliland ee fadhigiisuna ahaa Saylac.

3) ( the  Cambrige History    of Africa) waxa qorey     taariikhyahanka weyn ee reer   ingiriis ee Ronald Oliver. 4) ( Modern   History of Somalia Nation ) waxa qorey    Hido-ururiyahay weyn ee caanka ah IM.LEWS.

Dr.khadar -Libaaxley

   dr.khadar05@gmail.com

   gargorey4@gmail.com

   Regional political analysts

Ahna   isbedel   Doonka Siyaasada   Dalka

8/21/2019

Advertisements

Be the first to comment

Leave a Reply