XASILLOONI SIYAASADEED (POLITICAL STABILITY)

Kalmadda Xasillooni iyo nabadgelyo way kala xeel dheer yihiin,Matalan nabad macnaheedu waa nabadgelyo,lkn marka aan laga war war qabin mustaqbalka dhib soo socotta ayaa la yidhaa Xasiloooni,macnaha waa nabad aan laga war war qabin inay si fudud ku jabto,taas ayaa la yidhaa Xasillooni.
Erayga asal ahaan marka Af-somali lagu macneeyo waxa loo soo qaattaa, xoolaha marka ay daaqayaan ee aanay ka shakisnayn in kayntan ay daaqayaan aanu bahal ku jirin,sida Dacawo,waraabe ama horror waxay u daaqaan si niyo ah,wayna iska soo hor jeestaan iyagoo dhulka ku foorara ama geedka tiigsanaya si baraad la’aan ah,markaas ma maqlaysid doogga ay goynayaan ilkuhu,ama laanta ay jabsanayaan mooyee wax kale,haddii se ay ka shaki qabaan in meelahan wax ku jiraan xooluhu kolba luqunta ayay sare u qaadaan,siiba Riyuhu “Biff” ayay yidhahdaan kolba,markaas waxa la odhanaya adhigu ma Xasiloona.

Marka la rabo in waddan la yidhaa waxa ka jirta Xasilooni siyaasaded, keliya waa inay doorsho ka dhacdo,si nabad ah,qofka guulaystana xilka loo tiriyo,iyadoo haba yaraattee aanay deero deero hirdiyin taas ayaa la yidhaa Waddankaas waxa ka jirta Xasillooni siyaasaded.

Haddaba marka aynu ka hadlayno waddan,gaar ahaan waddamada Afrika kama jirto xasilloona xagga Siyaasadda intooda badan,sababtoo ah isagoo waddanku lagaba yaabo inuu xagga dhaqaalaha Horumar gaadhay,ayay imanaysaa Doorasho,markaas ayuu muran iyo buuq bilaabmaa,waxaba suurto gal ah in waddanka ay galaafato doorashadaasi markaas xasllooni ma jirto,waana arrinta waddamada Afrika Intooda badan ka maqan,waddanku haddii aanu haysan Xasilooni siyaasded,wax lagaga talo galo ma laha,lagumana sheego inu waddankaasi Horumar gaadhay wallow haba lahaado Daaro dhaadheer,wabiyo,iyo dhaqaale,sababtuna waa dibu dhacsanaanta iyo badownimada.

Waxa laga yaabaa,in mashaariic badan la hakiyo,oo la yidhaa Doorashadau ha inna dhaafto,waxa laga yaabaa in maalgashi u baaqdo doorasho awgeed,xatta muwaadin guryo dhisan lahaa ayaa yidhaa ha I dhaafto doorashadu,la yaab ma laha waa dhaqan Afrika ka jira.
Haddaba Akhristow ma rumaysan kartaa,in waddamada Adduunka qaarkood dadweynaha ku nool intooda badani aanay aqoonin Madaxweynaha Dalka xukuma ka uu yahay,soo qabo Switzerland,Swedden,Norway,Ireland,iyo qaar kaloo badan ahmiyad ma siiyaan dadku kumaa madaxweyne ah,sababtoo ah waxba kagama xidhna,umana baahna,sharci iyo kala danbayn ayay samaysteen sidaas darteed wax waliba line ayuu raacayaa aanu ka baydh baydhayn,markaas baahi uma hayso kumaa madaxweyne ah.
Sidas darteed waxa muhiim ah,in waddanku helo Xasilooni siyaasdeed,oo doorasho la helaa wakhtigeeda ku dhacda,waa in laga wada shaqeyaa siday doorasho ku dhici lahayd,waa iany noqotta mid xalaal ah oo musuq aan lahayn.cidda ku soo baxda waa in ay ula wareegtaa si xor ah oo aan hadal lahayn, waa inaan dadka Ganacsatada,dadweynaha caadiga ah,maalgashiga,dhaqaalaha aanay midna saamayn ku yeelan,oo aanay dadku ka wer-werin,Tolow doorasho ma dhacaysaa,mise ma dhacayso,Tolow ma lagu heshiin doonaa,marka taasi ay hadho ayuu waddanku noqonayaa mid Xassilooni siyaasded ka jirto.
Haddi aan u soo laabto Somaliland,Waxan u soo jeedin lahaa in dhaqankan Afrika la hadhay aynu khilaafno,isla markaana aynu marno go’aan qaadashadii aynu dhaqanka u lahayn,ee caalamku qiray inaynu kaga duwanahay waddamo badan oo Adduunka ah, murankan doorashada hadheyay laga baxo,oo dhamaan Golayaasha qaranka,Xukuumadda,Xisbiyada,Guddidoorashada,iyo dhaaman (stake holders) dhinacyada ay khusayso oo dhan inay isku dhinac iska taagaan siday doorasho u dhici lahayd,dhainaca kale dadka loo Yaqaan haldoorka(Elite) iyo Pressure Groupka sida Ururrada bulshada,hayadaha waddaniga ah iyo bulshada qaybeheeda kala duwan,Ganacsatada,aqoonyahanka dhamaan waa inay ku cadaadiyaan inay waddanka doorasho ka qabsoonto,markaas ayaynu la tartami karnaa Adduunka tallaabsaday.

ALLAA MAHAD LEH
Rashiid Odowaa M.A diplomacy and IR
Khadarsalaan@gmail.com
063-4101213

Advertisements

Be the first to comment

Leave a Reply