Maxaynu Ku Ciidnay: Ma Ardagti, Ma Falag, Mise Canaad???

Xarunta Falaga ee Caalamku Waxay Sheegtay In Bishii Shawwal Ay Dhalattay 8.38 Xalay Wakhtiga Makkah – Suaal: Wadaada Geeska Afrika Maxay Arkeen – Mise waa Fakiyiinta Ku Xumee!!! Oo Bil Aadan Arag Ka Markhaati Fur.

Sida laga war qabo waddammo badan oo caalamka muslimka ka mid ah ayaa bari hore iskaga tagay arag ku soonka oo raacay Falagga amma Astronomy . Waxaa ka mid ah waddamada Asia ee Pakistan, Indonesia Malaysia.

Sidaa awgeed dad ayaa muddoba ka hor jeeday Falagga la sheegayo oo xatta iyagoon bishii arag ku dhaarta inay arkeen – Falakiyiinta Ku Xumee!!! Oo Wax Aadan Arag Ku Dhaaro.

Waddamada carbeed iyagu dhawaan ayay Falaga + Arragga qaateen. in kasta oonay arrinta kor ugu dhawaaqin – sababo jira awgeed.

Markaa habeenkii xalay bishu waxa curattay 8.38 Wakhtiga Makkah Al Mukarama oo ku dhaw wakhtiga magaalooyinka Geeska Africa sida Hargeisa, Mogadishu iyo Nairobi.

Sidaa awgeed suurta gal maahaa in qof bishii arkay 8.38 habeenimo oo cirku madaow yahay.

Suaal: Ma laga yaabaa in culimada Geeska Afrika ay Falakiyiinta Ku Ximee arrinku ka yahay oo bil aanay arag ka markhaatti fureen.Sidaas waxay ka dhiuci jirtay waddamada Caerabta qaar kood.

Wasiir Khaliil waxa looga fadhiyay inuu dadka bisha arkay aanay 3 qof ka yaraan . Ta labaad, 3 qofka ee sheegay inay bishii arkeen in la dhaariyo oo arrinka la sugo Iyo Lajnad gacanta Ku qabatta

Be the first to comment

Leave a Reply