Weedhsamoow, Somaliy’e Dumar Ayay Ka Dhiman Wayday, Ee Koottadu Waxba Yay Kula Cuslaan!.

Weedhsamoo, adduunka 108 waddan ayaa ku dhaqma nidaama Kootada Dumarka oo ay ka mid yihiin 12 waddan oo carbeed.

Su’aasha la is waydiiya waxay tahay, Kootada doorashada ee dumarak loo xidhayaa miyay  ka hor imanaysaa Dimoqraadiyadda iyo sinaanta loo simayahay sharciga.

Taa jawaab teedu waxay tahay, MAYA.

Dumarka marka Kootto loo xidhay ma ahaa in loo sadburinayo . Laakiin waxaa loo celinayay amma loo Cawad-naqay loona mag-dhebayaa (compensation تعويض)  xaqoodii dhaqanka qallafsan ka qaaday,  Iyo dulmiga loo gaystay.

Ogow oo dawladaha addunaku siday u dhanyihiin boqol sano ka hor dumarku may footaaun jiran.

Marakan dumarku waxaa loo ogolaaday inay codeeyaan 1902.

Switzerland dumarku waxay codeeyeen , halka Somalia ay dumarku codeeyaan 1964 – 1960 Somalia dumarku may footayn.

Kootada dumarka maanta Adduunka waa caadi,  waxa loo yaqaan inay Tahay DIRSOOC TABBAN  ( Affirmative Action – تمييز إيجابي) . Waxa looga jeeda waa hiil dumarka loo hiilinayo oo loo magdhabayo dhaawacyada bulshadu dumarka u gaysattay. Taas oo dhalisay inay dumarka kalsoonidii siyaasadeed ka luntto ooy iyagu is dooran waayaan . Sidaa awgeed, waxa lama maarmaan noqottay in dumarka Kootto loo xidho oon kuraas cayiman oo iyaga u gaar ah aan raggu kula tartamin.  

Maanata dumarku magdhaw inagama doonayaan, ee waxay inna barayaan waar, wixii hore waa inka saamax, ee inta hadhay iyo mustaqbalka qayrkayo ha naga reebina.

Midna ha la ogaado: Burburkii iyo dagaaladii la soo maray, Soomalidu meel kasta ha joogo’e DUMAR ayay ka dhiman wayday.

Maalintii Dulcad iyo Darroor la wadhaa, hadii aany  dumarkuu xaagaanta inoo dareelin waligeen rag iskamyanna celineen:-

  • Aqal dhis
    • Ubad xambaar, marka jaqsii
    • Kuyuuga Raashinka Dulcad ka gal, adigoo Xarshin , laaqayrta iyo inta ka durugsan ka soo lugeeyay.  
    • Dagaalka ka qayb gal , raashin kari , taageer Dhaawaca.
    • Illa manta dumar ayaa reero badan Ilaahi inta ka sokaysa dumarku gacata ku hayan!!!

Adduunka manta 108 waddan ayaa koottada dumarka ku dhaqma. Waxaa ka mid yihiin 12 waddan oo carabeed:

Asia: India, Indonesia, Pakistan, Iraq, Joran, Falastiin,

Africa: Koonsur Afrika, Mozambique, Morocco, Sudan

Europe: France, Germany, Sweden, Belgium, Taliyaani, Norway  

Ugu dambayn, Somalida waxay ku maahmaahdaa: Nin Maalin Ma Gaadhid, Ninna Sanad Ma Gaadhid, Ninna Waligaa Ma Gaadhid:

  1. Nin maalin Ma Gaadhid, Oo nin Kaa Faras Wanaagan Maalin Ma Gaadhid.  Laakiin Bari waxa la yaabaa nin faraskiisu turunturoodo ood horay ka dhaafto.
  2. Nin sannad ma gaadhid oo ninkaa xoolo badan sannad kuma gaadhid. Laakiin waxa laga yaaba kal dammbe in isiga kaliil dheeraatay xoolaha ha wiiqdo , adigana abaaraha Allah kaa duwo.
  3. Waxa la yidhi, NIN waligaa ma gaadhid, oo nin kaa oori wanaagsan waligaa ma gaadhid  – Oo Tilmaan u ah.  sida ay somaalidu Dumarka iyo kaallinta ay ummadda kaga jiraan u qaradiso amma u qiimeeyaso.

Xasan Cabdi Yuusuf

Geopolitical Analyst

Hargeisa, Somaliland

Be the first to comment

Leave a Reply