Waxay Dhutisaba,Dimoqraadiyaddii Somaliland Maantay Tallabsattay

  • Ka dib Markii Madaxwayne Muuse uu Handraabay Laaluushkii dawladda lagu maamuli jiray – Waxa shaqaynaya Saddexdii Hay’adood Ee Dawladda iyo Nidaamkii Isu-dheelli-tirka (Check & Balance).     
  • Somaliland markii u horraysay waxa shaqaynaya Saddexdii Hay’adood Ee Dawladda – Fulintii, Sharci-dajin oyo Garsoor .  Sababta: Madaxwanye Muuse oo joojiyay  faragallintii  ay xukuumaddu ku haysay Baarlimanka Iyo Gasoorka ,  isala markaasna Handraabay kharashkii  iyo Laaluushkii dawladda lagu maamuli jiray.  

Markii u horaysay muddaddii Somaliland jirtay,  waxa muuqattay in Maxkamadihii iyo Baarlamankii Somaliland ay gaadhayaan qaraaro ka madax banaan Fulinta.  Maxkamda G/Maroodi Jeex ayaa diiday iny eegto dacwad lagu soo oogay Mudane Dhakool , iyadoo sida la wada ogyahay Mudane Dhakool galay dambi Qarandumis ah. Laakiin, Maxkamaddu qodobka ay cuskatay xaq ayay ku  joogtay,  iyadoo ku adkaysatay in Mudanaha horta xasaanadda laga qaado. Ta labaad,  Gudoomiye Bashe Maxmed Faarax isaguna daw iyo xaq ayuu u lahaa inuu diido qaabka loo xidhay Mudanaha oo xasaanad barlamaan leh.

Xukuumaddu, dhinaceeda, tallaabo nidaamka waafaqsan ayay kaga jawaabtay: Xeer ilaallinta ayaa  dacawadii Mudane Dhakool u gudbisay Gudidda Joogtada ah ee baarlamanka iyadoo codsanaysa in xasaanada Mudanaha laga qaado .

Halkaa markay marayso, gudidda joogtada ah ee baarlamanku meel ka dhac wayn ayay gaysteen: Qaynuunku wuxuu leeyahay Nuxur iyo Qolof (Spirit and Letter of Law and Substance – الجىهر ام الشكل. Kiiska Mudane Dhakool Nuxurkiisu waa: “In Mudanahu dambi wayn oo qarandumis ah gaystay.  Xaqiiqadaas Guddidu may deedifaynin oo kamay doodin”. Haseyeeshee , waxay ka hor mariyeeen Qoloftii oo ahyd: “Warqadda  xeer-illalintu soo gudbisay waxay sheegaty in Kiiska wali la baadhayo”.  Qobobkaas oon wax qiimo ah lahayn ayay ku diideen inay xasaanadda  mudande dhakool kaga qaadaan . Xaq ummay laheyn inay nuxurka dacwadda ka tagaan oo ay qolofta xukun ku gaadhaan. Haseyeeshee,  waynu ixtiraamaynaa qaraarka ay gaadheen – waa dedaal!!!

Xukuumadda Somaliland waxaan kula talinayaa inay taxgalinta ay hayso  maxad-bananidda baarlamanka iyo garsoorka halkaa ka sii waddo.  Dacwadda mudane Dhakool waa inay mar labaad iyo mar saddexaadba u gudbiso baaarlamanka iyo hayadaha kale. Mudana Dhakool waa inuu waajaho sharciga iyadoo isla markaa xuquuqdiisana la dhawrayo.

Maxawayne Muse Bixi Cabdi waxaa ku boorronayaa inuu halkaa ka sii wado. Sharciga iyo kala dammbaynta lagu dhaqmo haddii ay “MUR” ka qadhaadhahay.

Madaxwaynaha waxa kale oon ku bogaadinayaa inuu taageeray gudidda doorashooyinka oo shaqo fiican qabtay , ummadana ka mudan billad geesi  

Madaxwanyaha waxaa kale oon ku ammanayaa inuu diiwaangaliyay Madariska Diiniga ah oo noqon kara meel fitno diimeed ka dhallin kartoo haddan laga hor tagin.

Gudoomiyaha Xisibiga UCID, Faisal Cali Waraabe isaga waxaan Ku maamuusayaa BILLAD GEESIGA  SIYAASADDA . Faisal wuxuu muujiyay inuu tudhaale iyo lexejeclo qotto dheer u hayo ummadda Somaliland. Faisal wuxuu far-waawayn inoogu qoray inuu dantiisa gaarka ah ka dhaqaaqayo markay danta guud khattar gasho. Horaa Loo Yidhi: NINA DHADHMUU KUU DHEX JOOGAA , NINA DHAQASHUU KUUGU DHABAR JABAY!!!

Farriinta uu dammbaysa waxaan u gudbinayaa Guddoomiyaha Xisbiga Waddani  Mudane Cabdulrahman Cabdillahi, Cirro . Mudane Guddoomiye, Siyaasadda waad ku guulaysatay (by any Standard) . Xisbigii aad aasaastay ee Waddani wuxuu ku guulaystay 40% doorashadii Madaxtooyada ee ugu horraysay eed ka qayb gashay. Haseyeeshee, guushaas aad gaadhay waxay kula muuqatay  guuldarro. Si Kasaba ha u dhacdee, waxaan kaa codsanayaa inaad tidhaa QODAXI MEESHEED. Marka labaad, waxaan kugu boorrinayaa inaad wax kasta ood tabanayso ku raadiso adigoo adeegsanaya hay’adaha dawliga ah ee Umammda u dhisan – Baarlamanka , Iyo Maxkamadaha Somaliland IWM.

Xasan Cabdi Yuusuf

Geopolitical  Analyst

Hargeisa – Somaliland

Advertisements

Be the first to comment

Leave a Reply