Wasiirka arimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed Ayaa La sheegayaa Inuu amray in la xidho afhayeenkii wasaaradaasi Jamaal Mahdi.

 

Wararka naga soo gaadhayaa Hargeysa ayaa sheegay in Wasiirka arimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed ayaa amray in la xidho afhayeenkii wasaaradaasi Jamaal Mahdi.

Afhayeenkii wasaarada arimaha gudaha somaliland Jamaal Mahdi oo haatan ku xidhan xarunta dembi baadhista ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu kaga waramay sababaha keenay in la xidho.

Afhayeenka wasaarada arimaha gudaha Jamaal Mahdi ayaa qoraalkiisa ku yidhi sidan “Wasiirka arimaha gudaha ayaa aniga oo jooga xafiiskayga iiso diray agaasimaha guud kaas oo ku soo amray inuu xafiiska layga saaro furahana layga wareejiyo, MarKaan furihii ku wareejiyey agaasimaha waxa markiiba anigoo hortaagan xafiiskayga I qabtay taliyaha turbataariyada iyo ciidan uu wato. Waxa lay geeyay CID-da waxaanay ii sheegeen in laygu haysto qoraal Facebook kayga ku qoran.

“Hore wasiirku isaga oo aan warqad ii soo qorin ina ogaysiin waxa uu xafiiska keenay wiil uu isagu keensaday. Tani waxay daba socotaa siduu wasiirku xafiiska iiga saari lahaa xadhigana isagaa ka danbeeyay.”

“Waxa laydiiday in ay qoyskaygu i arkaan waxaana laygu xidhay qol gaar ah.”

Advertisements

Be the first to comment

Leave a Reply