Warar Tibaaxayay In Madaxwaynaha Somali State Ee Mustafa Cagjar Laga Yaabo Unuu Xilka Iska Cashilo

ADDIS ABABA(P-TIMES) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kulamo saacadihii u dambeeyey kasocday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, ka dib markii sida la sheegay uu Madaxweynaha Soomaali State Mustafa Cumar go`aansaday in uu xilka deegaanka dago, oo uu noqdo Siyaasi u tartama doorashada soo wajahan ee dalka Itoobiya.

Warar hoose ayaa sheegaya in ay dalabkaas diidan yihiin saaxiibadiisa siyaasadda, gaar ahaana xubnaha Xisbiga oo ku cadaadinaya sii joogitaanka Madaxweyne-nimada deegaanka Soomaalida, isna uu xooga saarayo sidii u sameysan lahaa Xisbi siyaasadeed madax banaan oo ka aragti duwan kan dawladda guud ee Itoobiya.

Mustafa ayaa doonaya in uu u tartamo jagada ugu sareysa dalka Itoobiya ee Raysalwasaaraha doorashada 2020-ka, sidda ay sheegayaan warar aad ugu dhaw dhaw, wuxuuna doonayaa kahor in uu baneeyo jagada Madaxweyne-nimada deegaanka, maadaama ay hadda dhamaadeen caqabadaha ku wajahan xubnihii hore ee TPLF, meeshana laga saaray Xisbigii guud ee EPDRF.

Advertisements

Be the first to comment

Leave a Reply