Toosin Mise Mucaaridid? W/Q: Cali Cabdi Coomay

Dadka qaarkii ayaa isku khalda shakhsiga toosinta wada iyo kan mucaaridida wada. Kala duwanaashaha labadan kelmadood wuxuu nuxurkoodu ku soo ururayaa sidan:
= Toosin: Soo bandhigida wixii qalloocan iyo wixii quman, iyada oo caddaymo wadata.
= Mucaaridid: Soo bandhigida dhaliillo aan daliil xoogan wadan oo ku xumee ka muuqato.

Sidoo kalena ay weheliso buunbuunida waxa aanay sakaaro ka biirsanayn.
Shakhsiyaadka qaarkii way isku daraan labadan kelmadood oo lagama garto dhinaca ay u janjeedhaan. Waana jirjirooleyaal u eeg kolba meesha ay marayaan.

Halka kuwa kalena uu warkoodu dhayda ka cad yahay. Afkaartooda ay ka muuqato inay yihiin dad ay meel xanjo ugu dhegan tahay. Taageerayaasha xisbiyadu ma kala saari karaan dadka toosinta wada iyo kuwa
mucaaridida wada. Kan toosinta wada waxa ku dhoog barta kooxo ay madax martay caadifad reeraysani oo jibbo darteed aan waxba hubsan. Waa fara ku tiris inta si cilmiyeysan ula doodaysaa. Kuwa mucaaridida wadana iyaga waxa u dheer cay qaawan iyo af-xumo aan meel loo soo marin oo ay kula kacaan dadka diidan
mucaaridida.

Dhawaan ayey goob shaaha laga cabbo isku fara saareen laba qof oo
kala aamisan toosinta iyo mucaaridida. Gacan-qaadka ka hore waxa dhexmaray dood kooban oo markaad indho caddaaladeed ku eegto macquul noqonaysay, dadkii goobta jooganayna ay la dhaceen.
= Toosiye: Waar ma ninkii qaranka caayi jiray baa?
= Mucaarid: Waar ma ninkii wasiirka niqaaman ahaa baa?
= Toosiye: Waxaad kala garan la’dahay qaranka iyo ninka xilka haya sida loo mucaarido.

= Mucaarid: Adigu xaaraan cune ayaad tahay oo toosin ku soo daba-gabbanaya. Meel kastana waxaad la taagan tahay in aad I xamatid. Nin baa lagu yidhi “ hebel wuu ku neceb yahay oo wuu ku xamanayey. Markaasuu yidhi” markii horeba col baannuahayn oo ammaan kamaan sugeyn”. Sidaasi oo kale adiga ammaanba kaamaan sugeyn.
= Toosiye: Adiga ayaa xaaraanta iiga dhaw, oo markii aad xilka wasiir ku xigeenka haysay guriga aad ku jirto ayaad xoolihii ummadda ka dhistay, waadigii kirada ku jiray ileyne. Xittaa gaadhiga aad wadato ee qaaliga ah ayaa xaaraan kugu ah, oo aan caddayn u hayaa. Waayo mushaharkaaga iyo intii aad xilka haysay waan hayaa oo ma goynayaan gurigaaga iyo gaadhigaaga. Wuxuu hadalkiisa ku af-meeray xigmadan “ nin
intuu yidhi diiday, waa nin wuxuu dhalay diiday”.
= Mucaaridkii ayaa koob shaaha oo uu cabbayey ku dhuftay, waar kala qabta ayaa qaylo dhaantu ka yeedhay. Dadka badankoodu ma kala saaraan qofku wuxuu aaminsan yahay iyo deegaankiisa. Judhaba marka qofka la ogaado inuu deegaan heblaayo ka soo jeedo, ayaa dusha laga saarayaa inuu qalbiga ku haysto xisbi hebel.

Dhaqanka Soomaalida marka si dhab ah loo qiimeeyoo, Suldaanku waa madaxweyne, caaqliduna waa wasiiro, culimaduna waa garsooreyaal, dhallinyaraduna waa ciidan milatari, halka haweenkuna ay yihiin hayada wax-soo-saarka. Is-beddelada taariikheed ee nooluhu soo maray waa saddex weji, “Qabyaalad, gobollaysi iyo qarannimo”.


Sidaasi darteed Soomaalidu weli waxa ay ka gudbi la’dahay qabyaalada. In mar kasta la isku xidho qofk iyo deegaankiisa oo aan la eegin wuxuu aaminsan yahay waxa keena hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida ee soo jireenka ah. Shay kasta marka hore ee la qiimeynayo mudnaanta hore iyo tixgelintaba waxa la siiyaa waxa ay diinta ka qabto shayga laga hadlaayo. Dadka madow ee qaarada afrika ka tegay ee galay Yurub iyo Maraykanka, markii caddaankii kaga hormaray aqoontii iyo wax-soo-saarkii
dhaqaalaha, waxa ay iyanna horumariyeen fankii, ciyaarihii iyo muusigii. Iyagaana ilaa maanta loo daba-fadhiistaa feedhka iyo filimada. Ninba ceesaantee ceel keentay.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan
Calicoomay@gmail.com

Toosin Mise Mucaaridid?
W/Q: Cali Cabdi Coomay

Dadka qaarkii ayaa isku khalda shakhsiga toosinta wada iyo kan mucaaridida wada. Kala duwanaashaha labadan kelmadood wuxuu nuxurkoodu ku soo ururayaa sidan:
= Toosin: Soo bandhigida wixii qalloocan iyo wixii quman, iyada oo caddaymo wadata.
= Mucaaridid: Soo bandhigida dhaliillo aan daliil xoogan wadan oo ku xumee ka
muuqato. Sidoo kalena ay weheliso buunbuunida waxa aanay sakaaro ka biirsanayn.
Shakhsiyaadka qaarkii way isku daraan labadan kelmadood oo lagama garto dhinaca
ay u janjeedhaan. Waana jirjirooleyaal u eeg kolba meesha ay marayaan. Halka kuwa
kalena uu warkoodu dhayda ka cad yahay.
Afkaartooda ay ka muuqato inay yihiin dad ay meel xanjo ugu dhegan tahay.
Taageerayaasha xisbiyadu ma kala saari karaan dadka toosinta wada iyo kuwa
mucaaridida wada. Kan toosinta wada waxa ku dhoog barta kooxo ay madax martay
caadifad reeraysani oo jibbo darteed aan waxba hubsan. Waa fara ku tiris inta si
cilmiyeysan ula doodaysaa. Kuwa mucaaridida wadana iyaga waxa u dheer cay
qaawan iyo af-xumo aan meel loo soo marin oo ay kula kacaan dadka diidan
mucaaridida. Dhawaan ayey goob shaaha laga cabbo isku fara saareen laba qof oo
kala aamisan toosinta iyo mucaaridida. Gacan-qaadka ka hore waxa dhexmaray dood
kooban oo markaad indho caddaaladeed ku eegto macquul noqonaysay, dadkii goobta
jooganayna ay la dhaceen.
= Toosiye: Waar ma ninkii qaranka caayi jiray baa?
= Mucaarid: Waar ma ninkii wasiirka niqaaman ahaa baa?
= Toosiye: Waxaad kala garan la’dahay qaranka iyo ninka xilka haya sida loo
mucaarido.
= Mucaarid: Adigu xaaraan cune ayaad tahay oo toosin ku soo daba-gabbanaya. Meel
kastana waxaad la taagan tahay in aad I xamatid. Nin baa lagu yidhi “ hebel wuu ku
neceb yahay oo wuu ku xamanayey. Markaasuu yidhi” markii horeba col baannu

ahayn oo ammaan kamaan sugeyn”. Sidaasi oo kale adiga ammaanba kaamaan
sugeyn.
= Toosiye: Adiga ayaa xaaraanta iiga dhaw, oo markii aad xilka wasiir ku xigeenka
haysay guriga aad ku jirto ayaad xoolihii ummadda ka dhistay, waadigii kirada ku jiray
ileyne. Xittaa gaadhiga aad wadato ee qaaliga ah ayaa xaaraan kugu ah, oo aan
caddayn u hayaa. Waayo mushaharkaaga iyo intii aad xilka haysay waan hayaa oo ma
goynayaan gurigaaga iyo gaadhigaaga. Wuxuu hadalkiisa ku af-meeray xigmadan “ nin
intuu yidhi diiday, waa nin wuxuu dhalay diiday”.
= Mucaaridkii ayaa koob shaaha oo uu cabbayey ku dhuftay, waar kala qabta ayaa
qaylo dhaantu ka yeedhay. Dadka badankoodu ma kala saaraan qofku wuxuu
aaminsan yahay iyo deegaankiisa. Judhaba marka qofka la ogaado inuu deegaan
heblaayo ka soo jeedo, ayaa dusha laga saarayaa inuu qalbiga ku haysto xisbi hebel.
Dhaqanka Soomaalida marka si dhab ah loo qiimeeyoo, Suldaanku waa madaxweyne,
caaqliduna waa wasiiro, culimaduna waa garsooreyaal, dhallinyaraduna waa ciidan
milatari, halka haweenkuna ay yihiin hayada wax-soo-saarka. Is-beddelada taariikheed
ee nooluhu soo maray waa saddex weji, “Qabyaalad, gobollaysi iyo qarannimo”.
Sidaasi darteed Soomaalidu weli waxa ay ka gudbi la’dahay qabyaalada. In mar kasta
la isku xidho qofk iyo deegaankiisa oo aan la eegin wuxuu aaminsan yahay waxa keena
hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida ee soo jireenka ah. Shay kasta marka hore ee la
qiimeynayo mudnaanta hore iyo tixgelintaba waxa la siiyaa waxa ay diinta ka qabto
shayga laga hadlaayo. Dadka madow ee qaarada afrika ka tegay ee galay Yurub iyo
Maraykanka, markii caddaankii kaga hormaray aqoontii iyo wax-soo-saarkii
dhaqaalaha, waxa ay iyanna horumariyeen fankii, ciyaarihii iyo muusigii. Iyagaana ilaa
maanta loo daba-fadhiistaa feedhka iyo filimada. Ninba ceesaantee ceel keentay.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan
Calicoomay@gmail.com

Advertisements

Be the first to comment

Leave a Reply