Ku Madaxwayne Muuse: Mudane: “MIDNA KU ADKAYSO, MIDNA KA TANAASUL – RAADI WIN-WIN SETTLEMENT”

Mudane Madaxwanye marka hore,  Nabadgalyada Iyo Naxariista Ebbe Korkaaga Ah Ahaatto{السلام عليكم ورحمة الله وبركاته . Salaan iyo Nabad ka dib, waxaan kuu soo gudbinayaa talo kooban oo la xidhiidha doorashooyinka iyo khilafka ka taagan.

Marka labaad, Madaxwyne, ismariwaagan hadda taagan ee gaar ahaan la xidhiidha khilaafka  komishanka doorashooyinka, waxan rumysnahay in mawqafka aad istaagtay inaad xaq iyo dawba u leedahay.

Taas oo jirta, ayaa hadana arrinku muddo jiitamay, waxana laga yaabaa in ummadda Somaliland arrinkaasi khilaaf iyo kala fogaansho ku keeno. Waxa kale oon hoosta ka xarriiqayaa, in laga yaabo in murakan ay shisheeye iyo cadow sii holcinayaan ooy dabada ka wadaan.  

Sidaa awgeed, Madaxwayne, dhincaaga ayaannu tudhaale iyo debec ka filaynaa.  Waxanan kugula talinayaa sidan {: MIDNA KU ADKAYSO, MIDNA KA TANAASUL – RAADI WIN-WIN SETTLEMENT}

  1. Mid Ka Tanaasul:  Komishanka doorashooyinka waxa ay Somaliland iyo Beesha Caalamku markhaati ka yihiin inay hawl iyo shaqo qorux, qiimo,  iyo qaayo leh inoo qabteen. Haseyeeshee, muddo xilood koodii oo dhow, iyo Waddani oo qoorta iskaga maray, waxay ila tahay inaad ku qanciso inay iyagu tanaasulan ooy is casilaan , Tariikhdana ay baal dahab ah ka galaan – shankasta oo aan daw loogu lahayn oo aanay innaga galabsan.  
  2. Midana Ku Adkayso: komishanka 9 xobnood in laga dhigo marna yeelin – Sababtoo ah:

A) Doorashooyinkii hore 7 xubnood ayaa lagu galay, waana arrin xeerka waafaqsan.

B) Haddii xubnaha komishanka 9 laga dhigo oo labada xisbi ee mucaadku 4 soo magacaabaan, waxa halka ka dhalan doona dheelli iyo sheeko dhan ka raran. Labada xisbi ee Mucaaradku waxay yeelan doonaan 4 xubood halka Somaliland inteedii kale ay magacabyaan 5 xobnood. Intaa waxa dheer, labada xisbi ee mucaaradka waxa ka madax ah laba nin oo isku reer ah. Waxaa dhici doonta in Garxajisna 4 xubnood soo magacaabo, ummada inteedii kalena la siiyo 5 xudnood. TAASINA WAA, KUD KA GUUR OO QANJO U GUUR.

Xasan Cabi Yuusuf

Hargeisa, Somaliland

02 July 2019

Advertisements

Be the first to comment

Leave a Reply