TAARIIKHDA LOO DHIGO ARDAYDA MASAARIDA 1,000 SANO AYAA LAGA BOODAA… AMA AFAR SADAR BAA LAGA QORAA!W/Q;CABDI CALI.

Waa Maxay Sababtu?!

Sax ma aha in 10 qarni laga boodo, maxaa yeelay taariikh waa taariikh ama ha qadhaadhaato ama ha macaanaato; laakiin asbaabta ay sidaa u sameeyaan waa saddex mid uun ama waa saddexdaa oo la isku daray:

1;Islaamiyiintu waxay ku doodaan in cilmaaniyiinta Masar xukumaa ogaan sidaa u samaynayaan, maadaama ay nacayb u hayaan Islaamka; 10 kaa qarnina ay ahaayeen muddadii khilaafada Islaamku xukumaysay Masar; runtii waxbaa ka jiri kara arrinkaa, laakiin ma wada aha xaqiiqadu sidaa.

2-In dalka Masar ay xukumayeen muddadaas dad aan ka soo jeedin dhalasho ahaan dhulka Masaarida. Maadaama dawladaha immika jiraa ay yihiin kuwa qawmiyad ku dhisan, wax faan ah uguma jiraan in caruurtooda ay u sheegaan in Masar ay xukumayeen muddadaas dheer dad aan iyaga ahayn dhalasho ahaan. Tanna wax baa ka jiri kara, maadaama ay raadinayaan faan qawmiyadeed, sidaa darteed ay taasi u gayso in ay taariikhda ka soo bilaabaan Faraacinadii oo ah dhalad Masaari ah, dabadeena ay ku xigsiiyaan boqorkii Maxamed Cali Baashe iyo caruurtiisa oo qarnigii 19 aad ahaa; isaga laftiisu wuxu ahaa nin reer Yurub ah dhalasho ahaan oo ay u soo magacaabeen Cusmaaniyiintu, laakiin waxay ka dugsanayaan waa in yar oo ay ku leeyihiin taariikhdiisa, gaar ahaan sida uu ku yimi kursiga!

3- Sababta ugu danbaysa waxa weeye in 10 kaa qarni wax macno xaddaaradeed oo maaddi ah oo ay leeyihiin aanay jirin. Maadaama ay taariikhda qorayaan niman qawmiyiin ah oo maaddiyiin ah iyagu ma qiimaynayaa tawxiidka la gaadhsiiyay arlada iyo in boqortooyooyinkii 10 kaa qarni jiray ay meel walba u diri jireen mujaahidiin dadka gaadhsiiya dacwadda tawxiidka, meeshana ka saaray quwadaha ilaalinaya shirkiga; maxaa yeelay waddanka la furto dadka diinta laguma qasbayn ee waxa meesha laga saarayay uun awoodaha is hortaagaya in dadku tawxiidka qaataan. Markaa maadaama aanay taasi agtooda qiimo ka lahayn, qawimiyiinta manhajka tacliinta qorayaa waxa kala wayn in ay ku faanaan dhismayaasha Ahraamta, oo ah wax la taaban karo, halka tawxiidku aanu ahayn wax la taaban karo ama waa Qaybiyaat ;dadka maaddiyiinta waxa agtooda qiimo ka leh wixii maaddi ah! waan hubaa haddiii wax maaddi ah ay ka tegi lahaayen sida dawladnimo fiican ama raadad aan ahayn masaajido waawayn in ay ku faani lahaayeen si kasta oo cilmaaniyiinta Masaaridu isu diidsiiyaan Islaamka iyo taariikhdiisa, maxaa yeelay waxay odhan lahaayeen dalkayaga ayaa sameeyey xaddaaarddaas, boqorradu shisheeye ba ha ahaadeene!

Anigu waxan arjaxayaa sababta saddexaad, maxaa yeelay waxa aad u yar horumarka maaddiga ah ee 10 kaa qarni ay soo kordhiyeen boqortooyooyinkaasi, gaar ahaan xagga maamulka iyo dawlad wanaagga oo isaga laftiisu noqon lahaa wax la taaban karo haddii laga dhaxli lahaa maamul institutioalized ah oo policy based ah. Xaqiiqadu waxa weeye in boqorka meesha qabsada iyo kuwa ku hareeraysani ay ku mashquulsanaayeen awood raadis iyo adduun urursi, gaar ahaan dahabka iyo macdanaha qaaliga ah!!

Boqortootyooyinkii waayadaa jiray waxay ku jireen uun dagaallo joogta ah oo mid ba ka kale ka takhalusayo, ka laga guulaystana la qaadnayo hantidiisa, dahabkiisa iyo dumarkiisa. Markii Islaamku soo baxay intii khulafaa u raashidiinku khilaafada hayeen may dhicin taasi; hase yeeshee intii danbe ee xukunku dhaxaltooyo noqday boqortooyooyinkii Islaamku waxay u xuubsiibteen in ay jihaadkii iyo furashadii u dhex-raaciyaan hanti urursigii iyo adduun raadiskii inkasta oo uu ka dhimirsanaa kii ay samayn jireen boqortooyooyinkii kale ee waayadaas jiray!

Shaki kuma jiro in mujaahidiinta ay u kala dirayeen daafaha adduunka ay u badnaayeen dad mukhlisiin ah oo ddaacad ah oo u shahiidaya sidi ay dadka u gaadhsiin lahaayeen dacwadda Tawxiidka, laakiin boqorradu guud ahaan waxay bilaaben ciyaarahoodii ay dahabka iyo hantida ku urusanayeen si ay xukunka u xajistaan, waxana markii danbe ay ka dhex bilaabantay iyaga dhexdooda ka dib markii gobol kasta oo Muslin ah uu yeeshay boqor yar; Maxamed Cali Baashahan u danbeeyay- ee Masar xukumayay isaga iyo caruurtiisu muddo 150 sano ku dhaw illaa intii uu Ingiriisku dusha ka qabsanayay- wuxu ku sameeyey qoladii ka horraysay ee uu ka qabsaday meesha ee la odhan jiray Mamaaliikta ma aha wax qof Islaam ahi samayn karo; markii uu qabsaday meesha inta uu casuumay raggoodii u waawaynaa ayaa markii ay dhergeen uu dhegta dhiigga u daray; qasrigii ayaa dhiig dareeray illaa islaantiisii ay suuxday markii ay aragtay qulqulka dhiigga!!

Waxba yaan hadal kugu daalinine wixii Dahab iyo macdanaha qaaliga ah ay Muslinku ka qaateen dhulkii Romanka iyo Faarisiyiintu xukumayeen waxa ugu danbayntii afka u dhigtay Reer Galbeedka markii ay inna qabsadeen qarnigii 19 aad dabayaaqadiisii ka dib markii ay burbureen boqortooyooyin ku sheegii dhiigga iyo dahabka ku mamay; waxa kale oo ay qaateen makhduudaatkii qaaliga ahaa, taasoo aad maanta ka heli karto maktabadaha Paris iyo London kitaaba kitaabkuu ka qiimo waynaa; sidaas oo kale dahabkii dunida oo dhami maanta wuxu yaallaa Banigyada Dhexe ee Yurub iyo Maraykan; waa loo dalxiis tagaa daawashada dahabka toonsan ama rasaysan isagoo u samaysan sida albaabada oo kale; ma kula tahay in maalin maalmaha ka mid ah laga soo furan doono?!!! faan waynaa!! haddana Ilaahay cidi waxba lama oga!!; dawladdii Soviet ka ba qofna muu filayn burburkeedii degdega ahaa ee aan cidina sii saadaalin!!

QALINKII Prof Cabdi Cali Taariikhda, Falsafadda iyo Diimaha (Classics)

Be the first to comment

Leave a Reply