Sheekh Sokeeye Waxaan Leeyahay : Ma Banaana in Minbarka Masaajdka Siyaasad Lagaga Dood+Adigoo Xildhibaan Ah

168
Xildgibaan/ wadad Siciid Sokeeye waxaan u sheegayaa inaanay banaanayn in Minbarka Masaajdka siyaasad lagaga doodo/ – أن المسجد لله فلا تدعو مع الله احد
Ajendaha loo yaqaan Islaami siyaasi (الاسلام السياسي) ayuu sheekhu Somaliland u soo waariday.
Islaami Siyaasu waa mabda’a Carab iyo Cajam muslimiinta maanta qayrkood ka reebay.
Sheekhu amma Xildhbaanku dhaliishii uu xukuumadda u jeedinayo waxa haboonayd inuu Mimbarka G/ Wakiilada kaga doodo amma hadduu doono Mediaha u mariyo.
Disoorkii iyo  xeerarkii ummaddu ku heshiisay ayuu sheekhu ku tuntay -isagoon wali la dhaarin!!!
Barigii distoorka Somaliland la qorayay (2002) oo aannu joogna Riyadh Saudi Arabia ayuu nin aan jeclahay oonnu saaxiib nahay (Maxamed Cabdi Daauud) ayaa soo jeediyay in Culimada Loo Ogolaado inay Xisbiyo Siyaasi ah samaystaan.
Waxaannu fadhinaa maqaaxi dadka reer Somaaliland kulmisa. Dad badan ayaa na dhegaysanaya.
Waxaan Moxammed ugu jawaabay:-
Maxamadoow, haddi culimada iyo wadaadada la yidhaa xisbiyo furta waxaa dhici doonta:
– sheekh iyo shaydaan dadku cumaamad ayay wada duuban.
– nin walba oo doonaya inuu siyaadada ku soo baxa oo la doortaa, afar Aayadood ayuu soo qaybi oo uu markuu murmayo amma ay rag iska hayaan daliishado, si aan garta looga helin.
Maxamed Cabdi Dauud oo ah nin aad diinta ugu xeel dheer, doodaydii aad ayuu ugu khushuucay.
– Ta ugu daran, waxa la arki doonaa xusbiyada, dariuqooyinka iyo madaahiibta oo isku dhex yaacay!!!
– waxa dhici doonta in masaaj A xisbi X ku tukado, masaajid B na Xisbi Y ku tukado.
– waxa dhici doonta in siyaasyiinta wadaado noqdaan- wadaadauna Siyaasiyiin nowdaan – oo artinku isku Cayn iyo Dayd go’do!!!!???
– markay intaasi Dhacdo artinku wuxuu gaadh doona tusaalaha AlShabaab, Daacish, Al Qaacida iyo Boko Xaraam.
– somaliland waxay isu rogi doonta Afqaanistaan , Iraaq iyo Suuriya, iyo Xamar.
Sheek/ Xildhibaanka marka hore waxaan leeyahay hanbaliyo xildhibaan nimada aad ku guulaysatay.
Marka xiga Wadaadka/xildhibaanka waxaan xusuusinaya inaan shareecada Islaamku ogolyn inaad Uli-Mariga mimbarka masaajidka ka dhaleecayso adigoon maka hore dhaliisha madaxda hoos ahaan iyo gooni ugu gudbinin.
Wadaadka waxa kale oon u sheegayaa inaan Distoorka Somaliland ogolyn in diinta iyo Siyaasadda la isku dhex daro – si aynaan u noqonin sida Somalia.
Guntii & Gabagabadii, sheekh Siciid Sokeeye waxaan xusuusinayaa inuu ku xad-gudbay distoorkii iyo dhaqanka G/ Wakiilada oouu 36 galay isagoon wali la dhaarin.
Wadaadka ha loo sheego in laga filayay oo ay haboonayd inuu dhaliisha iyo eedaha uu xukuumadda u jeedinayo uu kaga doodo Golaha dhexdiisa iyo media , laakiin ay reebban tahay in Masajidka laga dhigi Minbar Siyaasadda lagaga dodo.إن المساجد لله فلا تدعوا مع الله احد