Shaqo La’aan Baahsan Oo Soo Food Saartay Kumanaan Muwaadiniin Muruq Maal Ah, Dhismeyaashii Dalka Ka Socday Oo Istaagaan Iyo Sababta Loo Aanaynayo

44

Shaqo la’aan baahsan, ayaa soo food saartay kumanaan qof oo muruq-maal ah oo ka shaqaysan jiray dhismaha Guryaha laga dhisayo dalka, ka dib markii la waayey sida la sheegay Looxa cas ee lagu dhisi jiray guryaha.

Muddo ku dhow afar bilood, ayaa waxa istaagay inta badan dhismeyaasha Guryaha ee ka socday Magaalada Hargeysa iyo Magaalooyin kale ee Somaliland qaarkood, taas oo ay sababtay Looxa cas ee Guryaha lagu dhiso oo laga waayey suuqyada Hargeysa, ka dib markii sida la sheegay uu kala go’ay.

Looxan cas ee dhismaha guryaha muhiimka u ahaa ee la waayey, ayaa waxa uu saameyn ku yeeshay noloshooda kumanaan qof oo Muruq maal ah oo isugu jiray Kuuliyo, Wasdaadiin, Nijaarro, Injineerro iyo dad kale oo iyaga iyo qoysaskooda ku tiirsanaayeen nolol maalmeedka ay ka heli jireen shaqada dhismaha Guryaha.

Qaar ka mid ah Shirkaddaha Dhismaha iyo Dadka Muruq maalka ah ee ka shaqayn jiray Dhismaha Guryaha, ayaa walaac ka muujiyey dhismayaasha ay ka shaqayn jireen ee istaagay, iyaga oo xusay in ay keentay in ay durba saameyn ku yeelatay shaqadoodii iyo noloshii qoysas badan.

Eng. Maxamed Cabdi Xuseen, oo ka tirsan Shirkadda Haboon Construction, ayaa u sheegay Wargeyska Saxansaxo in looxii casaa ee Guryaha lagu dhisi jiray oo la waayey wuu sababay in ay qarka u saaran yihiin in ay dhismeyaashu istaagaan, isla markaana taasi ay keentay in durba saameynteeda ay bulshada noloshoodu ku tiirsanayd ay dareemaan culays.

Eng. Maxamed Cabdi Xuseen, waxa uu xusay in Shirkadda Oomaar oo keeni jirtay Looxa Cas ee guryaha lagu dhiso ay u sheegeen in ay kala go’an yihiin oo ay soo socdaan, isla markaana aanay weli hayn wax loox ah oo ay Guryaha ku dhistaan, taasi ay sababtay in ay shaqadu istaago oo dadkii muruq maalka ahaa ay waayeen nolol maalmeedkii ay ka heli jireen shaqada dhismaha.

Eng. Maxamed Cabdi, waxa uu ka dhawaajiyey in ka hor intii aanu suuqa laga waayey looxan in qiimihiisu kor u kacay oo halkii markii hore ka ahaa 10 dollar xabadu, uu gaadhay 38 Dollar, iyada oo uu xusay in markii dambena la waayeyba.

Eng. Maxamed Cabdi Xuseen, waxa uu Xukuumadda u soo jeediyey in ay arrintan hoos u eegto oo ay raadiso sababta keentay iyo waxa ka jira in Dekedda Berbera ay taallo, sida uu  xusay in ay u sheegeen Shirkadda Oomaar oo iyadu soo dejin jirtay Looxdan, waxaanu yidhi “Dawlada waxaan u soo jeedinayaa in ay arrintan hoos u eegto oo raadiso sababta keentay in Looxa la waayo, waayo dhismeyaashii way istaageen oo wakhtigii aanu dadka kula heshiinay in aanu u dhamaynayno way gaadhay, markaa waa in arrintan waa in xal loo helo.”

Eng. Maxamed Cabdi Xuseen, waxa kale oo uu sheegay in dad badan oo ka shaqayn jiray dhismaha ay ku shaqo waayeen, taasina ay culayskeeda leedahay in kunamaan qof oo noloshoodu ku tiirsanayd ay shaqo waayeen

Axmed Xasan Xuseen, oo ka mid ah dadka noloshoodu ku tiirsanayd dhismaha Guryaha, isla markaana haystay Huteel yar oo ay wax ka cuni jireen dadka guryaha dhisa, ayaa u sheegay Saxansaxo in Looxa la waayey wuu saameyn ku yeeshay shaqadoodii iyo noloshadoodiiba, waxaanu yidhi “Dadka aan wax ka iibin jiray waxay ahaayeen dadka ka shaqeeya Dhismaha oo imika muddo afar bilood ah taagan, taasoo la noo sheegay in ay sababay in la waayey Looxdii Casaa ee Guryaha lagu dhisayey, 80% ay dadka ay noloshoodu ku tiirsanayd shaqada dhismayaasha, markaa imika Meheradaydii iyo kuwo kale oo la mind ahina waxba kuma hayno in aanu iska xidhno ayey u dhowdahay.”

Axmed Xasan, waxa uu sheegay in dadkii Muruq maalka ahaa ee guryaha dhisi jiray qaarkood ay reerahoodii u saareen Miyiga markii ay afartii bilood ee u dambeeyey awoodi waayeen in ay iska bixiyaan kiradii, Biyihii iyo waxyaabihi kale ee noloshoodu ku tiirsanayd, waxaanu yidhi “Dadkii muruq maalka ahaa ee dhismayaasha ka shaqaysan jiray qaarkood reerahoodii Miyiga ayey u saareen duruufo nololeed oo soo wajahay awgeed, kiradii, Biyihii iyo nolol maalmeedkii ayuu bixin kari waayey.”

Axmed Xasan oo baaq u diraya Xukuumadda waxa uu yidhi “Dawladda waxaanu leenahay arrintan hoos ha u eegto oo ha ogaato cidda wax u jiraan, maadaama oo kumanaan muwaadiniin ah oo noloshoodu ku tiirsanayd Dhismaha maanta aanay waxba la nooleyn oo duruufo haystaan.”

Masuuliyiinta Shirkadda Oomaar ee soo dejista Looxa cas ee dalka laga waayey oo aanu isku daynay in aanu wax ka weydiino sababta keentay in la waayo looxii ay keeni jireen, ayaanay noo suurto gelin in aanu helo ka dib xidhiidho kala duwan oo aanu la samaynay.

Wargeyska Saxansaxo