SAMI-QAYBSIGA: G/Wakiilada Ha Lagu Sargooyo Tirada Codbixiye-yaasha – G/Guurtida 6da Gobol Tiro Siman Ha La Siiyo – Sida Maraykan.

June 18, 2019Booddaale NewsNewsOpinions0

TALOOYIN HOR-DHAC AH

Golaha wakiilada amma parliment ka aduunka waxa lagu qaybsadaa tirada dadka ay mattallan oo waa wakiillo. Sidaa awgeed tirada wakiilada ee gobolada ha lagu sargooyo tirda codbixiyayaasha (Qiyaas).

Golaha gurrida waa in lagu dheeli tiro tirada wakiilada eey goboladu kala badan yihiin . Guurtida waa in tiro siman oo is leg 6 gobol loogu qaybiyo – sida sanateka maraykan.

  • SAMI -QAYBSIGA “GOLAHA GUURTIDA” HA LAGU SAR-GOOYO 6 GOBOL OO SIMAN   
  • Si loo helo caddaalad iyo sinaan, xubnaha Golaha Guurtida 6da gobol ha loo simo.  
  • Lixda gobol mida 14 xubnood lagu soo doorto – waa 84 xubnood.
  • Waa sida Senate ka Maraykan ku dhisan yahay. Delaware oo gobolada maraykan ugu dad yar iyo California oo ugu dad badan ayaa midba tiro siman oo 2 ah laga soo doortaa.
  • Waxaa sida looga dhigay, si gobolada tirade dadku koobanthay u helaan cod la siman kuwa dadka badan – dhiinaca xeer dajinta.
  • Somaliland , taasi gobolada darafyada (Awdal, Sool Iyo Sanaag) waxay siinaysaa awood 50% ah oo ay ku meel mariyaan qararada ay wataan ,  kuna hor joogsadaan qararada aanay doonaynin.
  • Sidoo kale, saddexda gobol ee Somaliland ugu dadka yar (Saaxil, Sool Iyo Sanaag) waxay la awood noqonayaan (50%) oo la mid ah saddexda ugu dadka badan (Awdal, Togdheer iyo Maroodi Jeex).
  • 6da goboal doorasho waa in lagu sargooyo xuduudii 6dii distari ee 1960.
  • XUSUUS GAAR AH:
  • KOR U QAADKA AWOODDA GOLAHA GUURTIDA IYO GOLAHA WAKIILADA

Somaliland waxay qaadattay nidaamka awoodda Madaxwanye (Presidential). Haseyeeshee , sida laga barankaro 20 sanno oo nidaamkaas lagu sharqaynayay , waxa lagama  maarmaan ah in golaha guurtida iyo golaha wakiilada la siiyo awood intay imminka haystaan aad uga dabad.  Gaar ahaan, waa in golayaashu xaq buuxa u yeeshaan inay “reerarka curiaan”.

 SAAMI QAYBSIGA GOLAHA WAKIILADU:

  • Saami qaybsiga golaha wakiiladu wuxuu ku dhisanyhay  laba xaqiiqo oo jira:
  • Baaxadda dhulka oo iyana wax ka soo qaad leh. h.

QOONDADA DUMARKA IYO DADKA LAGA TIRDA BADANYAHAY

  • Waxaan ku talin lahaa in Dumarka iyo DLTB loo qoondeeyo tiro siman lixda gobal labda Gole ee Guurtuda Iyo Wakiilada.
  • Xubnaha Dumarka iyo DLTB ee G. Guurtida Iyo Baarlamanka ha lagu kordhiyo tirade golayaasha

Xasan Cabdi Yousuf

Retired Senior Banker & Geopolitical Analyst

Advertisements

Be the first to comment

Leave a Reply