Sami-qaybsiga: Dooda Sami-qaybsiga Maana Ha La Bilaabo – Fulinta Qaraaradana Dib Ha Loo Dhigo!!!

June 18, 2019Booddaale NewsNewsOpinions0

  • Madaxwaynuhu ha magacaabo 60 xubnood oo khubaro ah oo ka soo kala jeeda 6da gobol doorasho.
  • 60ka xubnood ha ka soo tala bixiyaan sidii Distoorka loo furi laha.
  • 60ka xubnood ha ka soo tala bixiyaan sida heshiiskii Khatumo xukuumadda la gashay iyo heshiisyadii Reer Awdal loo waafajin laha Distoorka Cusub IWM.
  • G’aanka gudida khubarada ha lagu dabbaqo doorashooyinka ka dambeya kuwa soo socda.
  • Doorashada inagu soo fool leh, xeerkii hore ha lagu galo – wakhtiga oo kooban.

TALOOYIN HOR-DHAC AH

  • SAIMI -QAYBSIGA “GOLAHA GUURTIDA” HA LAGU SAR-GOOYO 6 GOBOL OO SIMAN   
  • Si loo helo caddaalad iyo sinaan, xubnaha Golaha Guurtida 6da gobol ha loo simo.  
  • Lixda gobol mida 14 xubnood lagu soo doorto – waa 84 xubnood.
  • Waa sida Senate ka Maraykan ku dhisan yahay. Delaware oo gobolada maraykan ugu dad yar iyo California oo ugu dad badan ayaa midba tiro siman oo 2 ah laga soo doortaa.
  • Waxaa sida looga dhigay, si gobolada tirade dadku koobanthay u helaan cod la siman kuwa dadka badan.
  • Somaliland , taasi gobolada darafyada (Awdal, Sool Iyo Sanaag) waxay siinaysaa awood 50% ah oo ay ku meel mariyaan qararada ay wataan ,  kuna hor joogsadaan qararada aanay doonaynin.
  • Sidoo kale, saddexda gobol ee Somaliland ugu dadka yar (Saaxil, Sool Iyo Sanaag) waxay la awood noqonayaan (50%) saddexda ugu dadka badan (Awdal, Togdheer iyo Maroodi Jeex).
  • 6da goboal doorashjo waa in lagu sargooyo xuduudii 6dii distari ee 1960.
  • XUSUUS GAAR AH:
  • KOR U QAADKA AWOODDA GOLAHA GUURTIDA IYO GOLAHA WAKIILADA

Somaliland waxay qaadattay nidaamka awoodda Madaxwanye (Presidential). Haseyeeshee , sida laga barankaro 20 sanno oo nidaamkaas lagu sharqaynayay , waxa lagama  maarmaan ah in golaha guurtida iyo golaha wakiilada la siiyo awood intay imminka haystaan aad uga dabad.  Gaar ahaan, waa in golayaashu xaq buuxa u yeeshaan inay “reerarka curiaan”.

 SAAMI QAYBSIGA GOLAHA WAKIILADU:

  • Saami qaybsiga golaha wakiiladu wuxuu ku dhisanyhay  laba xaqiiqo oo jira:

Tirada dadka gobolada, amma tirada (average) codbixiye-yaashaa ( 5tii doorasho ee u dammbeeyay).

  • Baaxadda dhulka oo iyana wax ka soo qaad leh.

QOONDADA DUMARKA IYO DADKA LAGA TIRDA BADANYAHAY

  • Waxaan ku talin lahaa in Dumarka iyo DLTB loo qoondeeyo tiro siman lixda gobal – labda Gole.
  • Xubnaha Dumarka iyo DLTB ee G. Guurtida Iyo Baarlamanka ha lagu kordhiyo tirade aan la qoondayn ee caadiga.  

Xasan Cabdi Yousuf

Retired Senior Banker & Geopolitical Analyst

Advertisements

Be the first to comment

Leave a Reply