Safxad Ka Mid Ah Taariikhdii Suldaan Xaaji Cali Kooshin – Cardiff UK

39

Suldaan Cali Kooshin oo ku nool Xeebta Somalida (Cardiff) Ayaa magaalada London ka fuliyay hawl-gal dheer si uu u difaaco maslaxadda dadkiisa – halgankaas oo ka dhacay Wasiirska Mustacmaradaha hortiisa.

Wuxuu dhawr bilood ku noolaa isaga iyo xoghayihiisa iyo kooxdiisu qaybta African-Asian ee loo yaqaan Tiger Bay ee magaalada Cardiff, iyadoo uu huwan yahay ixtiraamka Somalida ku nool xaafadahaas.

Suldaanku wuxu kale oo adeegsaday xeelad Diblanaasi ah waxaanu soo af-jaray colaaddii u dhexaysay Carabta iyo Isrealiyiinta (Yuhuudda).

Waxaanu wafdi u diray qareenka yuhuudiga ah ee la yidhaa LEO ABSE ( Bidixda ka taagan), iyo Madaxa xisbiga Labour Party ee Cardiff oo isla markaasna ah xubin Parlamanka ah – ujeedada Suldaanku waxay ahayd sidii qaab rasmi ah loogu xallin laa arrantan iyada (danaha Somalida)