Sababta Keentay In Madaarka Hargeysa Laga Eryo Shaqaalihii Hawada Maamulayay Ee ICAO Ka Mushahar Qaadanayay.

Sababta shaqaalihi hawada Maamulayay ee madaarka Hargeysa ka hawl galayay loo eriyay waxay salka ku haysaa warqad xamar laga soo diray oo shaqaalaha Hargeysa laga codsanayo inay ogolaadaan ooy saxeexaan inay Wasaaradda Duulimaadka ee Somalia u shaqeeyaan iyagoo Hargeysa ka hawl gala.

Arrinkaas Xamar waxay doonaysaa inay ICOA ku tidhaa waa nakaa anaagaa musharka siinna shaqaalah duulimaadka iyo hawada ee Somaliland ee nagu soo waxeejiya maamulka hawada Somaliland.

Sidaa awgeed, Somaliland waxa shaqaalaha ka codsattay inaanya warqadaas saxeexaan oonay ogolaanin inay xamar ka mushahar qaataan . Hadii kale, waxa waayayaan shaqadii iyo mushaharkii ay Madaarka Hargeysa ka qaadanayeen.

Hoos ka dheeho waxqadda Mogdisho iyo ta Hargeysa .

Waa Dagaal cirka ah oo bilaabmay

Advertisements

Be the first to comment

Leave a Reply