Qofka Geeriyooday Isagoo Lagu Leeyahay Soon Xigtadiisu Maka Soomaysaa?

60

Shuruudda soonka waxa ka mid ah qofka soomayaa in uu awoodda soomidda leeyahay, sidaa darteed qofka aan awood u lahayn laguma laha soon. Qofka ay u soo gashay ramadaan isagoo xanuunsanaya, dabadeed xanuunka ku geeriyooda soon laguma laha, fidyo-afurinna laguma laha.

Qofka ramadaan xanuunsaday oo aan soomin, xanuunkiina ka kacay, ramadaanna ay baxday isagoo caafimaadqaba, deeto geeriyooda isaga oo aan gudin soonkii lagu lahaa ayey su’aal ka taagan tahay malaga soomayaa?

Qofkaas in laga soomayo waxa daliil u ah labada xadiis ee sugan. Xadiiska kowaad ee ay warinayso Caasha waa in nebigu yidhi, “Qofka geeriyooda isaga oo soon lagu leeyahay waxa ka soomaya xigtadiisa.” Xadiiska waxa soosaaray Bukhaari iyo Muslim.

Xadiiska labaad waxa wariyey Cabdillaahi Ibnu Cabbaas oo leh: nebiga wiil dhallinyaraa waydiiyey hooyadii oo geeriyootay soonna lagu lahaa in uu ka soomayo. Nebigu wiilkii wuxuu ku yidhi, “Hooyadaa deyn haddii lagu lahaan lahaa soo kamaad bixiseen? Deynta Ilaahay baa mudan in layska gudo.” Xadiiska waxa soosaaray Bukhaari.

Axaadiistani waxay sugayaan in laga soomayo qofka geeriyooday isagoo soon lagu leeyahay. Laakiin fahanka axaadiistan ee madaahiibta fiqigaa ayaa dood keenay, dooddaas oo ah ka soomiddu qofka xigtadaa waajib kuma aha.

Madaahiibta Xanafiyada, Maalikiyada iyo Xanaabilada  waa in aan xigtada lagu lahayn ka soomidda qofka geeriyooday isagoo soon lagu leeyahay.

Shaaficiyadu way isku khilaafeen, khilaafkana waxa u sabab ah imaam Shaafici oo mar fatwooday in laga soomayo, mar dambe na fatwooday in aan laga soomayn.

Imaam Nawawi kitaabkiisa Majmuuca ah wuxu ku yidhi, “Arrinkan Shaaficiyadu laba hadal ayey ka leeyihiin: hadalka hore waa in laga soomayo, midka dambena waa in aan laga soomayn laakiin fidyo-afurin laga bixinayo.”

Axmed Ibnu Xambal, Lays, Isaxaaq iyo abu Cabayd waxay leeyihiin xadiisku cidda uu leeyahay halaga soomo waa cidda nidar ku gashay in ay soomi doonto, laakiin geeriyootay iyada oo aan fulin nidarkaa, sidaa darteed aan loo jeedin soonka Ramadaan.

xadiiska sheegaya in laga  soomayo qofka geeriyooday isagoo soon lagu leeyahay waxay kala soo baxeen fahan ah in xadiisku sheegayo cidda soon ku nidartay ee aan oofin in laga soomayo laakiin aanu xadiisku sheegayn soonka Ramadaan.

Aqoonyahanka xadiiska iyo qayb ka mid ah salafkii hore iyagu waxay leeyihiin axaadiista hala dhaqangeliyo oo yaan dood la gelin. Axaadiistuna waxay tilmaamayaan in laga soomayo qofka geeriyooday isagoo soon lagu lahaa.

Qaradaawi oo ah aqoonyahanka ugu tunka weyn fuqahada casriga ayaa isku dayey isu keenidda labada aragtiyood ee ay masalada ka kala haystaan fuqahada iyo xadiisyahannadu.

Sheekh Qaradaawi wuxuu leeyahay, “Caasha xadiiskeeda sheegaya qofka geeriyooda isagoo soon lagu leeyahay in xigtadiisu ka soomayso waxa dabasocda hadal aanay soosaarin Bukhaari iyo Muslim oo ah (Haddii uu doono) sannadkaas oo sannad xasana ah. Midda labaad ee caddaynta u baahan waa in soonka xigtadu yahay samafal ee aanu waajib ku ahayn. Quraanku wuxuu sheegay in aan qofna loo qabsanayn wax qof kale gaystay, haddii u ka gudana waa samafal iyo waalid-addeecnimo uu sameeyey. Aragtida saxda ahi waa in laga soomo, iyadoon waajib ahayn, waana deyn ka qaadid qofka geeriyooday.”

Qaradaawi wuxuu sheegay in ay bannaan tahay

Qofka deynta soon lagu leeyahay in lagaga bixin karo fidyo-afurin.

Xarunta Fatwada Masar-Daaru Iftaa waxay Qaradaawi la qabaan in aanay waajib xigtada ku ahayn ka soomiddu laakiin ay wanaagsan tahay in meydka culayska deynta ka dulqadaan. Daaru Iftaa waxay fatwodeen in xigtadu soonka u wakiilan karaan cid aan ehelka ahayn in ay ka soomaan.

Ugu dambayn labada xadiis ee sugan waxay caddeeyeen in laga soomayo qofka geeriyooday ee soon lagu lahaa, fahanka fuqahada ee in aan laga soomayn ama aanay waajib ahayn waxa looga tagayaa axaadiista sugan.

Dhowrsanaantu waxay ku jirtaa in xigtadu ka soonto waalidkood, walaalkood iyo ehelladooda soonka lagu leeyahay, si isna culayska uga dulqaadaan iyaguna samafalka waalidnimo, walaalnimo iyo xigtannimo u gutaan.

W/Q Cabdirisaaq Rakuub