Qaylo-dhaan: Dhismaha Wadada Harta Sheekh Ilaa Dannood

Qoraha Suldan Cali Cabdi Xasan

Waxaan ku wargalinayaa Dawlada,Ganacsatada,Qurbajoogta,Hayadaha Caalamiga ah iyo cidkasta oo danaynaysa shacabka ku dhaqan deegaanka u dhaxeeya Harta Sheekha ilaa Danood ayna haysan wadadii ay u Mari lahaayeen adeegyada aasaasiga dhamaantood oo ay Go’doon yihiin xataa aan loo gurman karin wado la’aan awgeed xataa dawladu aanay adeegii ay u baahnaayeen aanay gaadhsiinkarin. Waxaan odhankaraa deegaankaasi aan korkusoo sheegay wuxuu ku dhawyahay in ay deegaanka initiisa kale ay kala go’aan.

Warbixintan aan idiin soo gudbinayaa waa mid aan indhayga soo saaray oo u baahan in wax wayn laga qabto iyadoo la is kaashanaayo. Sidoo kale waxaan halkan kusoo gudbinayaa muuqaalka wadadaasi iyo sida ay wakhti xaadirkan tahay 28 sanadood ee dawlada itoobiyada cusubi jirtayna aan waxba laga qaban lana odhankaro waa la hagraday.

Hadaba dawldeena yar ee mudada yar deegaanka xukumaysay kuma dhaliili karo maxay wax uga qabanwayday waayo waxyar uunbay jiraaba laakiin waa inay u qalqaalataa siday sidagdaga wax ugaqabn lahayd arintaa iyadoo kaashanaysa qaybaha kalee bulshadeeda,hadii kale ma ogoondoonto xaaladaha deegaanadaasi kusuganyihiin waanay ku adkaandoontaa inay maamusho deegaanadaasi, 
Ganacsataduna helimayso meel ay kaganacsato oo ay faa’iido ka hesho, hadaanay waxkudarsan dhismaha wadadaasi.

Qoraha Suldan Cali Cabdi Xasan

Advertisements

Be the first to comment

Leave a Reply