Pro.Cali Khaliifow Xaal-Qiimo leh Qaado, Abdinasir Buuni Afkiisu Matalayaa, Awdal AF- Wanaagsan oo Danteeda ah baa Matali Kara!! Dr.Khadar-Libaaxley.

SomaliLand    waxa jira Dhal-baas    iyo Caruur sheydaan oo   aan Sama-wade aheyn, Caruurtaa   shaydaanku waxa ay ka dhex hadlaan    sidii jinka 1) Dadka inta Daciifka     ah 2) in dan shakhsiya iyo licib saqiir    ka rabta si ay ugu muraad qumiyaan 3) iyo   shakhsiyaad kooban oo xog laawayaal ah oo mar   iyo laba ba la qaldi karo.

Caruurtaa    shaydaanku Dantooda   wey u ill dheeryihiin,  wax-kasta oo Dantooda ka   hor imanaya waxa ay u   yaqaanaan Cadow halis ku   ah iyaga; Damacooda dhabta ah   waa iyaga mooyaane in aaney    Cid kaleba jirin ama aaney muuqanin    Mustaqbalka Fog, Dadka waxa ay u jecelyihiin    inta Ducafada ah, inta naafada ka ah garashada    saxda ah si ay ugu muraadsadaan oo ay u fuliyaan   Danahooda iyo sida ay ugu badinayso iyaga.

Ficilada     sheydaanta   shaqada inta   ugu yar ee   ay qabtaan Caruurtaa  Shaydaanku waxa kamid   ah :  

1.Beel   Somaliland    kamid ah marka    ay Saami-qaybsi iyo   Somaliland lawada leeyahay   ay ka hadlaan iyo Danta    guud ee Dalka iyo Dadka waxa     aad arkaysaa iyaga oo ugu jawaabaya (   Waa laga dhex hadlayaa !! Somalia ayey Mashruuc   ka soo qaateen!! Iyo Cadowga ayey u adeegayaan).

2. Ta    ugu yaabka     badan Caruurtaa    shaydaanku toos umma    hadlaan iyagu ; Marka   ay arkaan ficil ay dhibsadaan     ama hadal ay dhibsadaan waxa   ay ka shaqeeyaan in ay raadiyaan Shakhsi    Daciif ah oo ay ka dhex hadlaan si   fariintooda iyo jawaabtooda warbaahinta looga arko       iyaga oo ku raad gadanaaya shakhsi kale oo hayb-wadaag    aan la’aheyn iyaga.( they use another microphone to transmit  their message to the concerned community ).

3. Caruurtaa    Shaydaanku iyaga   oo ku raad gadanaaya    magaca iyo fursadaha dawliga    ah hadba dawlada markaa joogta   waxa ay horumariyaan 80% kaliya    inta Deegaankoodu yahay; Somaliland la  wada leeyahay ka hadalkeeda marka ay    noqoto , Cudur iyo Cadanyo ayey ka qaadaan.   

Pro. Cali    Khaliif Xaal     weyn oo Qiimo leh    iyo Raali galin waliba   aniga oo khajilsan ayaan hawada    u marinayaa!! Aniga oo ka xaal siinaya    hadalkii foosha xumaa ee kas-darada badan   ka muuqatay ee uu ku tiraabay wiilkii Cali    khaliif Saaxiibkii dhaley ee la yidhaa CabdiNaasi Buuni.

Cabdinaasi     Buun hadal   kasta oo wanaagsan    oo danta awdal iyo   danta dadka reer awdal     wax u taraaya uu ku matali     karaa, balse Awdal kuma matali   karo hadal kasta oo fool xun     isiga oo uga gol-leh in uu ugu     dawaro tago sifo shakhsiya, hadalka uu   ku ganey pro.Galeydh waa Dayl-Qaaf uu shakhsi    ku yahay CabdiNaasir Buuni , kuma matalo Awdal iyo  Dadkeeda.

Pro.Cali   khaliif waa    Madaxweynaha KHaatumo-State ,  Reer khaatumo iyaga oo Reer  Somaliland ah ayey Somaliland   Hishiis kula jiraan, ixtiraam iyo   Qadarin ayuu Awdal iyo Dadkeeda ka    mudanyahay waayo Duruufo ay wadaagaan ayaa    kabadan Qardoofo .  

Badi    Dadweynahay   Reer Somaliland    waa dad gob ah oo   wanaagsan , si wanaaga iyo  midnimadu u sii xoogeysato     waxa ay gayaan in lagu   dhaqo Cadaalad.

Somaliland    waxa ay hadal  , guux iyo muran     deynaysaa marka Awdal     hesho Dawlad Goboleed, khaatumo    hesho Dawlad Goboleed dhamaantood    wada ah Somaliland waayo maanta waxa    jira Somaliland Cid gaara leedahay Siyaasad   ahaan , dhaqaale ahaan iyo ummad ahaan intaba.

   Dr.khadar -Libaaxley

   dr.khadar05@gmail.com

   gargorey4@gmail.com

   Regional political analysts

Ahna   isbedel   Doonka Siyaasada   Dalka

    10/1/2019

Advertisements

Be the first to comment

Leave a Reply