Maxkamada Gobolka Sool Oo Maanta Ansixisay Xubnaha Cusub Ee Golaha Deegaanka Degmada Laascanood

26

Maxkamada gobolka Sool ayaa maanta ansixisay islamarkaana dhaarisay, xubnaha cusub ee golaha deegaanka degmada Laascanood oo ka kooban 13 Xubnood.

Munasibada Dhaarinta waxaa goob-joog ahaa masuuliyiinta heer gobol iyo heer degmo ee gobolka Sool, Sarakiisha lamaha amaanka iyo masuuliyiin kale.