DF Somalia Oo Qaban-Qaabinaysa Doorasho Foojari Ah. Dad Reer Somaliland oo Xamar Degan Oo Si Been Abuur Ah Loogu Dooranayo Baaramanka Xamar 2020 !!! MA WAALLIBA MISA WAA MIYIR QAB – Mise Waa MAFIA SOCIAL ENGINEERING.

Sida laga war qabo,Somalia doorasho qof iyo cod ay waxaa ugu dammbaysay 1969 amma 50 sano.  Barigaa anigu 15 jir ayaan ahaa oo waan codeeyay. 1969 Oktober inqilaabkii Afwyne ka dib waxaa la jeexjeexay oo la baabiyay Distoorkii Ummaddu codayasanay 1961.

21 sanno ee Siyad Barre talada gacan ku hayay, wax doorasho ah oo lagu tartamay lama qaban. Xisibigii Hantwadaagga ee Siyad Barre ayaa isagu isla tartamii jiray.

1991kii Somaliland oo Koonfurta la midowda 1960 ayaa madax banaanideedii dib ula soo noqottay .

Somaliland illaa maalintaa waxa ka qabsoomay Codayntii distoorka iyo  6 doorasho oo qof iyo cod ah oo Adduunwaynuhu markhaatti ka yahay.

Koonfurta (Italian Somaliland) wax doorasho ahi kama dhicin ki dib 1969. Baarlamanka waxa lagu soo xulaa magacaabid qabiil (tribal Nomination)  

Xukuumdaa Federalka Somalia waxaa maanta looga fadhyaa inay qabanqaabiso doorashadii u horraysay ee ka dhacday Somalia 51 sanno.

International Community waxay ku bixisay billions dollars sidii Somalia loo dajin lahaa ee Distoor iyo baarlamaan dadku doorteen loo heli lahaa – laakin arrinkaas haabkiisii lama hayo, jidkii loo mari lahaana waa la baal maray.

Xukuumadaa Mr Farmaajo uma muuqatto mid doorasho qalqaaliin karayasa. Waddanka kama taliso   20% . International Community muddo 20 sano ah waxay sogayeen in maalinuun la gaadho doorasho qof iyo cod ah.

 Dawladaaha Somalia taageeraa Mr Farmaajo iyo Mr Qayre kama aqbaliyaan “MAANTANA FAR BAAN MAYDHAYAA , HAY FADHIYO GEELU””

Sidaa awgeed, waxay dhawaan Madaxa komishinka doorashooyinka Somalia (Madam Xaliimo Yaray) ay ku dhawaaqday Riwaayad Mr Farmaajo ku talagalay inay Adduunka nidho -sarcaad loogu dhigo. Waa film laga soo dheegay boogaagta “Maafiyada Talyaaniga” – ( Italian Mafiosi)

Siday sheegtay Madaam Xaliimo Yaray, Somalia waxa laga dhigayaa hal lista codayn (One Constituency ) oo Xisbyo u tartamaan . Taa Macnaheedu waa in cof ka soo jeeda  Gobolka Gado oo gobolkiisa Al Shabaab ka taliso,  oon Gado tagin 20 sanno inuu Xamar amma Boosaaso iska sharaxay. Ninkaa reer Gado waxaa laga dhigayaa  No 20  listka xisbiga  XYZ. Ninkaas odayga ah wuu so baxay oo baarlamanka ayuuu fadhiisanayaa isagoon foq Kaliya oo isaga cod siiyay jirin – si toos ah amma si dadban. Wuxuu ku soo baxayaa codka reer xamar, reer boosaaso iyo baydhabo IWM.

Riwaayadda Maafiyda Doorashada Xamar intaa kuma ega, Muuqaalkii amma Siinka ugu dammeeyay waxaa stagka laga daawanayaa Sheekadii “Boqor Lear” amma King Lear Ee Shakespeare” Qoray : Somaliland oo 1991  Somalia maca-salaamaysay oon askari, masuul iyo shilin miisaaniyad ahi ka dhaxayn iyada iyo Somalia  ayaa Iyana filmka Maafiyada Doorashada ka soo Muuqanaysa:

Arrinku Waa Sidee: Looma baahna  in Hargeysa, Burco Borama, Berbera, Laascaanood, Ceerigao iyo dagmooynika hoos yimaadda wax sanduuq ah al geegyo,  wax codbixin ahina kama dhacayso – haddana dadbaa laga soo dooranayaa . MA WAALLIBA MISA WAA MIYIR QAB – Waa jariimadda loo yaqaan:  MAFIA SOCIAL ENGINEERING.













Daahyada Stageka ayaa markale la rogayaa:

Waxa so baxay illaa 60 qof oo asal ahaan ka soo jeeda Somaliland . Dadkaas xamar ayay hadda dagan yihiin, xamar ayay iska joogayaa .Hadana waxaa laga soo dooranayaa  Baydhabo, Boosaabo, Galkacayo, Kismaayo IWM oo ay Dawlada Goboleedyo xukumaan.  60 qof waxaa Adduunka loo sheegayaa inay Somaliland Mattalaan.  

Ma Jirto cid reer Somaliland ah oo wakiilataty dadkaas iyaga ah.  Hadana waxaa 60kka qof lagu qorayaa liiska 20 xisbiyada ee Somalia ( 3 qof ba xisbi) ee magalooyinka Baydhabo, Boosaabo, Galkacayo, Kismaayo IWM

Dadka xisbiyada u codaynayaa ma yaqaaniin dadkan la yidhi Somaliland ayay mattallan – magac iyo muuqaal toona . Qofku wuxuu codaynayaa xisbi , Ma Yaqaan 3 qof ee xamar jooga ee hadan liiska Boosaso, Kismaayo iyo Baydhaba ku Jira ee Hadana Hargeysa , Laascanood iyo Borama baarlamanka u mattalaya .

Sidaa sayaa Riwaayaddii kuu dhammattay. Waddanka waxa laga soo  dooraty 275 oo 70% aan cid iyaga garansa oo dooratay aanay jirin.

Su’aasha One Million Dollar taagani waa: International Community ma iibsanaysaa Riwaayadan HADANA WAY KAN . Will the international Community buy into and entertain this Soap Drama.

Xasan Cabdi Yuusuf

Geopolitical Analysts

Hargeisa Somaliland

Advertisements

Be the first to comment

Leave a Reply