Maxaa lagu xusuustaa marxuum majaajileyste Sooraan?

40
Ibraahim Ismaaciil Sugulle (Sooraan)

Kadib xanuun muddo hayay, waxaa maanta magaalada Burco ku geeriyooday Alle ha u naxariistee Ibraahim Ismaaciil Sugulle oo ku magac dheer Sooraan.

Majaajileyste Sooraan oo sidoo kale ahaa abwaan, ayaa si weyn looga yaqaanay deegaannada Soomaalida.

Halkan waxaan idiinku soo gudbin doonnaa afar arrimood oo ku aaddan marxuumka.

1. Taariikhdiisa fanka

Ibraahim Ismaaciil Sugulle (Sooraan) ayaa waraysi hore oo laga qaaday ku sheegay in fanka uu ku soo biiray sanadkii 1979-kii, isagoo ku biiray kooxdii fanka ee Durdur. Waxa uu sheegay in markii hore uu kooxdaas ka ahaa jilaa, balse uu muddo kadib noqday mualif.

“Saarka reer waqooyiga ayaa ku billaabay, habeenkii koobaad markii Shimaali loo dhiibay ee la tumay ayaa waxa uu igu yiri mid kalena isku day. Mooraalkaa ii dhismay oo waxaan ogaaday in aan mualif noqon karo,” ayuu waraysigaas ku sheegay marxuum Sooraan.

Sooraan ayaa sheegay in fankii uu xilligaa ku jiray uu markii dambe la burburay qaran jabkii, oo ay kooxihii caanka ahaa kala daateen.

2. Ruwaayadihiisa

Sooraan waxa uu xoogga saari jiray jilidda ruwaayadaha taabanaya wacyiga markaa taagan.

Ruwaayadaha caan baxay ee uu sameeyay abwaan Sooraan waxaa kamid ah: Illaahay umaddii u ammaan geli – oo uu uga hadlayay cawaaqibka ka dhalan kara dhibaatada loo geysto xayawaanka, ruwaayaddii jinka iyo mid uu uga hadlay xisbiyada Somaliland ee doorashadii golayaasha deegaanka ee dhacday 2012.

Weriyaha BBC ee Hargeysa, Siddiiq Maxamed Burmad, ayaa sheegay in marxuun Sooraan uu sameyn jiray uun ruwaayadaha uu ku toosinayo wacyiga dadka.

Sidoo kale waxa uu farriintiisa ku gudbin jiray muuqaallo qosol badan, sidan kan “markii dhaweyd maxaad I lahayd?” oo uu ku cabbirayay dhibaatada ay tiknoolajiyadda ku hayso dadka gaar ahaan da’ yarta.

“Aalada internet-ka dhawaan ayay inagu soo korortay, mushkilado badan ayay nagu soo kordhisay oo tusaale ahaan inanta iskuulka la doonayo in ay berri qabato habeenkii oo dhan qolka ayay ku jirtaa oo maxaad i lahayd ayay leedahay,” ayuu yiri Sooraan oo ay BBC-du ka waraysatay muuqaalkaas kooban

Sooraan iyo Jawaan

XIGASHADA SAWIRKA,FACEBOOK

Qoraalka sawirka,Sooraan (midig) iyo Jawaan

3. Saaxiibkii Jawaan

Ciise Cabdi Ismaaciil (Jawaan) ayaa ahaa saaxiib ay si weyn u wada shaqeeyeen Sooraan, isagoo ay is barteen sannadii 2003. Waxa ay wada jileen ruwaayado badan, iyagoo xitaa safarro u aadday dibedda.

“Sooraan wuxuu ahaa nin aad iyo aad u dabeecad fiican, nin dadnimo leh, nin masaakiinta caawiya, nin saaxiibu salaad ah, nin is-qabqabsiga iyo muranka neceb, wuxuu ahaa nin calool xaaran oo aan dadka caloosha wax ugu qaadin, wuxuu ahaa nin nadiif ah,” ayuu yiri Jawaan oo ka warramaya aqoontii uu u lahaa saaxiibkii Sooraan.

4. Tacsidiisa

Soomaali badan oo ku nool daafaha caalamka ayaa si weyn uga naxay geerida abwaan Sooraan. Waxaa u tacsiyeeyay siyaasiyiin u badan madaxda Soomaaliya iyo mucaaradkaba.

Sidoo kale siyaasiyiinta Somaliland ayaa ka tacsiyeeyay geerida marxuumka.

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida, Mustafe Cagjar, ayaa isna ka tacsiyeeyay geerida marxuumka.

Weriyaha BBC ee Hargeysa Siddiiq Maxamed Burmad oo saaxiib dhaw la ahaa Sooraan ayaa ku tilmaamay inuu ahaa “qof cibaado badan oo Salaad aan salad ku darin, isla markaana diidi jiray in qof maqan agtiisa wax looga sheego,”.

Abwaan Sooraan ayaa lagu wadaa in maalinta beri ah lagu asaasi doonaa magaalada Burce.