Maxaa dumarka Hindiya ku kalifaa inay iska saaraan ilmo galeenka?

Bilooyinkii ugu dambeeyay dalka Hindiya waxaa kasoo baxayay warar ku saabsan in qaar kamid ah dumarka kasoo jeeda qoysaska saboolka ah ay iska saaraan ilmo galeenka.

Haweenka uu ku dhaco dhiigga caadada ayaa waxaa dalkaasi laga rumeysan yahay inay yihiin dad wasakh ah isla markaasna looma ogolo dumarka Hindiya inay ka qeybgalaan munaasabadaha diimaha iyo kuwo bulshada.

Sannooyinkii lasoo dhaafay, dhaqamadan gurucan ee ka dhanka ah haweenka waxaa loolan ugu jiraa sidii lagu ciribtiri lahaa aqoonyahanno iyo da’ yar dalkaas u dhashay.

Waxaa jira dhacdooyin muujinayaa in dhibaato lagu hayo haweenka uu ku dhaco dhiigga caadada, gaar ahaan haweenka kasoo jeeddo qoysaska saboolka ah ee aanan helin wax waxbarasho ah ama aanan helin cid u dooddo. Waxay tallaabadan ku reebtaa noloshooda saameyn dhanka caafimaadka ah.

Gobolka galbeedka ku yaalla ee Maharashtra, kumanaan dumar ah ayaa waxay isku sameeyeen qaliin ay isaga saarayaan ilmo galeenka, waana arrin soo taagneyd saddexdii sanno ee lasoo dhaafay. Dumarkan iskaa saaray ilmo galeenka waxay ka shaqeeyaan beeraha qasabka.

Waxay doonayeen inay beeraha qasabka ka helaan shaqooyin ay ku maareeyaan noloshooda.

Sannad kasta, tobonaan kun oo qoysas sabool ah oo ku nool magaalooyinka kala ah Beed, Osmanabad, Sangli iyo Solapur ayaa waxay u qaxaan dhinaca deegaanada ku yaalla galbeedka si ay shaqo ugu raadsadaan beeraha qasabka, waxay beerahaas ka shaqeeyaan muddo lix bilood ah oo uu soo go’ayo qasabka.

Waxaa dadkan saboolka ah ka faa’ideysta qanddaraasley calooshood u shaqeystayaal ah.

Mana shaqaaleysiiyaan haweenka maadama guridda qasabka ay tahay howl aad u adag, haddii ay ka shaqeyaana waxay la kulmayaan dhibaato marka ay caadada ku dhacdo, haddii hal maalin aysan shaqada tegin waa la ganaaxaya.

Tobannaan kun oo haween ah ayaa ka shaqeeya beeraha qasabka dalka Hindiya
Image captionTobannaan kun oo haween ah ayaa ka shaqeeya beeraha qasabka dalka Hindiya

Nolosha ka jirta beeraha qasabka waa mid xun, waxay haweenku ku nool yihiin tenddooyin ama guryo cooshado ah, mana lahan Suuli, mararka qaar waxay shaqada ku gaarayaan xilli habeen ah, mana jirto wakhti cayiman oo shaqdoodu ku eg ama ay ku hurddaan, haweenka waxaa xilliyada qaar ku dhaca dhiigga iyagoo hayo howshan adag.

Naadafad darro ka jirta beeraha ay ka shaqeynayaan, waxay dumarku mararka qaar ku dhaca xannuuno ama caabuq.

Dadka u ololeeyo xuquuqda dumarka ee ku sugan halkaas ayaa kusoo warramaya in dhakhaatiirta qaar ee aanan la aamini karin ay ugu baaqeen haweenka inay qaliin isku sameeyaan waa haddii uu ku yimaado xannuunada haweenka ku dhaca ee la daaweyn karo.

In badan oo kamid ah haweenka Hindiya waxaa la guursadaa iyagoo da’ yar, marka ay gaaraan da’da 20-ka waxay qaarkood heystan 2 ilaa 3 carruur ah.

Dhakhaatiirta qaar uma sheegaan haweenka dhibaatada ka dhalan kartaa haddii ay iska saaraan ilmo galeenka.

Waxaa dalka Hindiya ka jiraa tuulooyin dhowr ah oo aysan dumarka ku nool aysan laheyn wax ilmo galeen maadama ay qalin isku sameeyeen si ay isaga saaraan.

Presentational grey line

Sannadkii lasoo dhaafay xilli xildhibaan laga soo doorto deegaanka uu horkeeyay dhibaatadan baarlamaanka hoose ee gobolka. Wasiirka caafimaadka ee gobolka Maharashtra, Eknath Shinde waxaa uu qiray inay jiraan kiisas gaarayo 4,605 oo ku saabsan haweenka iska saaray ilmo galeenka ee ku nool degmada Beed saddexdii sanno ee lasoo dhaafay, waxaa uu sheegay in dhammaantood aysan aheyn haweenka ay yihiin kuwo ka shaqeeya beeraha qasabka ee aggaas.

Wasiirka waxaa uu sheegay in arrintaas ay u xilsaareen guddi gaar ah si ay baaritaanno ugu sameeyaan dhacdadaas.

Weriye BBC ka tirsan oo booqatay tuulada Vanjarwadi oo hoostagta degmada Beed ayaa waxay sheegtay in laga bilaabo bishii Oktoobar ilaa Marso sannad kasta, boqolkiiba 80 dadka deegaanka ay shaqooyin u raadsadaan beeraha qasabka, waxaana dadkaas u badan haweenka iska soo saaray ilmo galeenka si ay noloshoodu umaareeyaan.

Dumar badan oo ay la kulantay weriyaha waxay u sheegeen in qaliinka uu dhibaato caafimaad ku reebay, haweeney ayaa waxay tiri “Waxaan xannuun joogta ah ka dareemaa dhabarka, luqunta iyo lugaha” . halka haweeney kale ay sheegtay ‘inay dareento wareer joogta ah’

Waxay dhammaan haweenka ka dhawaajiyeen in nolosha ay ku qasbeyso inay kasii shaqeeyaan beerahaas.

Dhanka kale, waxaa jirtaa dhacdo ku saabsan in haweenka ka shaqeeyo warshadda dharka ee gobolka Tamil Nadu la siiyo dawooyin marka ay dareemaan xannuunka ka dhasha dhiigga caadada si ay shaqada usii wataan.

Warshadda dharka ee ku taalla gobolka Tamil Nadu waxaa ka shaqeeyaa 300,000 oo haween ah
Image captionWarshadda dharka ee ku taalla gobolka Tamil Nadu waxaa ka shaqeeyaa 300,000 oo haween ah

Sida laga soo xigtay Reuters, ku dhawaad 100 haween ah oo kasoo qoysaska saboolka ah ayaa la siiyay daawadaas maadama ay sheegeen in aysan dooneyn in shaqada ay hal maalin ah dhaafto si ay maareeyaan noloshooda.

Waxaa loo sheegay in aanan loo sheegin magaca daawada iyo waxa ay tahay.

In badan oo kamid ah haweenkaas waxay sheegeen in daawada ay ka dhaxleen xannuuno hor leh sida murugo, xannuun ku yimaado kaadi heyska.

Guddiga qaran ee arrimaha haweenka dalkaas ayaa xaaladda haweenka gobolka Maharashtra ku tilmaamay mid gurucan isla markaasna mas’uuliyiinta waxay ugu baaqeen in laga hortaggo masiibadaas.

Maamulka gobolka Tamil Nadu waxaa uu sheegay inuu kormeerayo xaaladda caafimaad ee shaqaalaha ka howlgala warshadda dharka.

Dalalka Indonesia, Japan, Kuuriyada Koonfureed iyo dalal kale ayaa waxay haweenka siiyaan maalin fasax ah marka uu ku dhaco dhiigga caadada. Waxaa sidoo kale tallabadaas sameeyay shirkado gaar ah.

Advertisements

Be the first to comment

Leave a Reply