India: Ninka Xaaskiisa Ku Fura 3 dalqadood Oo Wada Soda Ayaa Muteysan Doona 3 Sanno Oo Xabsi Ah

Baarlamaanka dalka Hindiya ayaa meel mariyay sharci cusub oo dambi ka dhigaya furiinka dumarka ee waafaqsan shareecada islaaamka.

Saddexda dalqadood ayaa seeyga siinaysa awood uu ku furo xaaskiisa si dhaqso leh, isaga oo afka ka dhahaha saddex kalmadood, ama xitaa qoraal ahaa ku gudbin kara.

Maxkamadda sare ee Hindiya ayaa sidoo kale sannadkii 2017-kii dalaaqda ku tilmaamtay mid ku xad gudbaysa dastuurka dalkaas.

Dadka taageersan sharcigan cusub ayaa sheegay in uu difaaci doono xuquuqda dumarka.

Dadka lagu helo in ay ku xad gudbeen sharcigan cusub ayaa muteysan doona saddex sanno oo xarig ah.

Xisbiga haya talada dalka Hindiya ee BJP ayaa taageeray sharcigan, halka xisbiga mucaaradka ugu weyn Hindiya Congress-ka ay ka hor yimaadeen.

Sharcigan ayaa ayaa waxaa u codeeyay 99 xildhibaan, halka ay diideen 84 xildhibaan markii la hor geeyay Aqalka Sare.

Ra’isulwasaare Narendra Modi ayaa markiiba bogaadiyay sharciga cusub, wuxuuna ku tilmaamay ‘guul usoo hoyatay sinnaanta jinsiga’.Ka gudub Twitter daabacaad W.Q @narendramodi

Narendra Modi@narendramodi

An archaic and medieval practice has finally been confined to the dustbin of history!

Parliament abolishes Triple Talaq and corrects a historical wrong done to Muslim women. This is a victory of gender justice and will further equality in society.

India rejoices today!66.2K4:52 PM – Jul 30, 2019Twitter Ads info and privacy18.6K people are talking about this

Dhammaadka Twitter daabacaadda qore @narendramodi

Balse dadka qaar ayaa xisbiga BJP ku eedeeyay in ay bartilmaameedsanayaan dadka muslimiinka ah, iyada oo xildhibaanka lagu magacaabo Asadduddin Awaisi uu ku tilmaamay sharciga weerar ka dhan ah Islaamka.Ka gudub Twitter daabacaad W.Q @asadowaisi

Asaduddin Owaisi@asadowaisiReplying to @asadowaisi

This law is against Muslim women & marginalizes them even more. The law forces a woman to stay in a marriage with an imprisoned man who’d verbally & emotionally abused her. It puts the burden of proof on Muslim women & forces her into impoverishment7015:25 PM – Jul 30, 2019Twitter Ads info and privacy322 people are talking about this

Dhammaadka Twitter daabacaadda qore @asadowaisi

Furiinka saddexda dalqadood ee islaamka ayaa ku xusan Qur’aanka Kariimka, waxayna ragga awood u siinaysaa in ay kala tagaan xaasaskooda.

Shayara Bano waa haweenayda dacwadda geysay maxkamadda sare
Image captionShayara Bano waa haweenayda dacwadda geysay maxkamadda sare

Culumada Islaamka ayaa sharaxay in diinta ay si cad u qeexayso furiinka, tahayna in lammaanaha isa siiyaan muddo saddex bilood ah marka laga xisaabayo marka ay dhacdo dalqadda koowaad si waqti loogu helo in ay heshiin karaan.

Dumarka muslimiinta qaar ayaa ka hor yimid sharcigan cusub
Image captionDumarka muslimiinta qaar ayaa ka hor yimid sharcigan cusub
Advertisements

Be the first to comment

Leave a Reply