Galaalow Awdal iyo Sool Waxay Raadinayaan 13 Xubno Gole Wakiilo iyo 25% Guud ahaan Fulinta iyo Garsoorka kaga Maqan oo ku Maqan dhanka Hargaisa & Burco !!

Galaalow    Awdal iyo Sool   Waxay Raadinayaan  13 Xubno Gole Wakiilo   iyo 25% Guud ahaan Fulinta   iyo Garsoorka kaga Maqan oo ku   Maqan dhanka Hargaisa & Burco !! 2 dan  Cadeymood Dartood. By: Dr.KHadar –Libaaxley.

Aadamuhu    sidiisaba Ma   ogolla Cadaalad   Daro iyo Xadhig     qallooca Midna , Dulmi   iyo Jahli darteed sida   uu illaahayba Quraanka ku    sheegay sifaha bashariyada taban    waa u caado iyo dhaqan guracan     oo aan gadaalna cawaaqibkeeda yeeluhu     aanu mahadinin.

Mudanayaal   Somaliland waa   Magac dhalasho iyo   hoy ay ku abtirsadaan   Beelihii Boqortooyada Ingiriisku      Raali uga noqotay dhaxalka dhulka   iyo eray bixinta magacan Somaliland 1960 !!.

Haduu      ogolyahay   iyo hadaanu     ogoleyn !! Haduu   u soo dagaalamey   iyo haduu la soo dagaalamay,  Kama maydh-mayo , Birina kama   goyn karto qof kasta oo u dhaxal  tirsada dhulka magacan Somaliland la   yidhaahdo ee ay haybtiisu deegaan ku   tahay balse maaha Qiiq isku qarin iyo     ku tiraabida “ Hebel Dano Shisheeye ayuu u   adeegayaadu ” wax lagu shiki galin karo u   dhalashada iyo dhaxal sheegashada Somaliland.

Caddaalad    Darrada iyo   Dulmiga jira   Somaliland Cidda   Sameynaysaa waa suuragal   in ay Difaacayso si   lamid ah sida ay suuragal   u tahay Cid kasta oo qabta tabasho   macquul ah iyo Caddaalad darro in lagu    arko hab-dhaqan aan rasmi aheyn oo ay ka    mid tahay Saami-Qaybsi raadis, Tabasho iyo Biyo Diidnimo   hadal iyo ficil ba yeelan karta oo dhamaantoodna ka farcamaya    Caddaadiska iyo Culeyska Caddaalad Darrada.

Gud. Xinifow    Caddeymaha IYO    Daliilka Duudsiga   Somaliland ka Dhaqaaqi   La’dahay Waakan:

1).Xaqqa    Dhaxalka Qoyska    Muslimka ah illaahay    ayaa gacantiisa ku qaybiyey    xataa Rasuulka S.C.W lama odhan     Qaybi !! Rag , Dumar , Waalid iyo Qaraabo     mid waliba Xaqa dhaxal ee islaamiga ah   illaahay ayaa u Qoondeeyey Xaqqiisa; Murtidu   waxa ay tahay Magaca Bixinta Somaliland iyo tirrada    Beelaha Magacani huwanaaya intaba waxa yagleelay Boqortooyada    ingiriiska , bishii juun 1960 LONDON Xornimada, Callanka iyo Dawladnimada   Somaliland waxa soo qaaday 4 xubnood oo uu madax u ahaa Maxamed   xaaji ibraahim cigaal dhamaantood rabi ha u naxariistee; Sababta 4ta   Xubnood loogu soo dhiibey iyadoo mid iyo labba ba soo qaadi karayeen     waxa ay ku tusinaysaa si muuqata, in madashaasi iyo maqaamkaasi wanqalka xornimada   laga baranaayey ( Miisaanka Cadaalada iyo Masiirka Somaliland Cidda Wadda yeelaneysa oo   aheyd 50% Beellaha Darifyada oo ay wakiil ka ahaayeen Beelaha kale ee aan aheyn beesha   dhexe 2dii Xubnood ee waliba Calanka gacanta ay ka galisay Boqortooyada ingiriisku Xaaji Nuur xubintii    Awdal Mataleysay iyo 50% Beelaha isaaq 2dii Xubnood ee kale oo iyaguna wakiil ka ahaa beelaha kale    ee beesha dhexe).

Hadaba:   Mudane Akhriste   maanta Dawladeena   dhan walba Cabbirka   iyo Miisaanka ka saar     Saami Qaybsiga Dawlada miyey     kuu muuqataa Xaqqiiqada Duruustii  iyo Miisaankii LONDON ee Xoriyadii ?!   waxa ii muuqata Somaliland ay Cid gaara    75% ku shaqeysaneyso baahi weyna loo qabo     bad-baado qaran.

2).  1991   bishii may   18 keedii   shirkii Burco    ee ergooyinka Beelaha     Somaliland ka qayb galeen     si ay Goob-joog ugu ahaadaan     Heshiiskii Dib ula soo noqoshada Somaliland !!    Ergooyinkii Shirkaasi ka qayb galey ee saxeexay    Macnaha iyo Murtidii shirka loo yimi waxa ergooyinka    loo qaybsaday Sagaal / 9 Xubnood oo Beelaha Darifyada ah   iyo Sagaal /9 Xubnood oo beesha dhexe ah ; Xikmada iyo     Miisaanka ku jirta 18 kan ergay ee ka koobnaa dhamaan beelaha   u abtirsada Somaliland waxa macnaheedu ahaa in la hello Somaliland   la wada leeyahay oo loo dhanyahay sidii ay shirkaasi Burcaba u ahaayeen   9 iyo 9 = 18 , oo waa sida ay ku soo sexeexeen gooni isku taaga iyo dib   ula soo noqoshada qaranimada Somaliland 18 may !!!.  

Markale : Hadaba:   Mudane Akhriste maanta    Dawladeena dhan walba Cabbirka   iyo Miisaanka ka saar Saami Qaybsiga    Dawlada miyey kuu muuqataa Xaqqiiqada Duruustii  iyo Miisaankii Ergooyinka SHirkii Burco ee Dib   ugu dhawaaqista Somaliland ?! waxa ii muuqata Somaliland    ay Cid gaara 75% ku shaqeysaneyso baahi weyna loo qabo      bad-baado qaran.

Gabo-Gabo   iyo Gunaanad:

Gud. Xinif   iyo Wasiir Galaalow    Awdal iyo Sool Waxay   Raadinayaan 13 Xubno Gole  Wakiilo iyo 25% Guud ahaan   Fulinta iyo Garsoorka kaga Maqan   oo ku Maqan dhanka Beesha Dhexe !!     si furan oo dhab ka hadal ah   marka Awood Qaybsiga Somaliland ku saleyno    miisaanka dhaxal qaybsigii LONDON 1960 ee 4tii   xubnood oo 50% iyo 50% noqonaaya iyo si lamid   ah 9 iyo 9 kii ergay shirkii Burco 1991 ; intaba    waxa aynu ka baraneynaa casharka odhanaaya sida saxda    ah ee loo wada yeelan karo Somaliland , Saami qaybsiga     habkan ku dhisani maaha mid u baahan TIRO KOOB iyo CID   la sugo toona , sida siyaasiyiinta qaarkood ku raad gataan     SOOL iyo SANAAG ayaaney wali Maqan oo u Baahan in la soo gacan    galiyo!! Hada waa 30 sanno ka dib? Maxaa maqneysiiyey ? Xumaan ma’aha     ee waa Cadaalad Darro!! marka uu xaalku kaa yahay; sida hada xaalku yahayna    ay tahay:-

Gollaha    Wakiilada 82.   

54   beesha    dhexe kaligeed

28   beelaha   kale.

Sida     saxda ah    waxa ay aheyd      41 Xildhibaan oo beelaha    darifyada ay iyo 41 Xildhibaan   oo beelaha beesha dhexe ah, balse    imika dhan ayey xisaabtu ka rarantahay   oo waa la isku dhacay dimuqraadiyadii   doorashada, AWDAL IYO SOOL 13 Xubnood ayaa ka    maqan oo kaga maqan Beesha dhexe!!.

Tani     waa tusaale     yar oo ka mid   ah qaybaha Dawlada    sidaa daraadeed Somaliland    Caddaaladeedu sidan tahay waliba   sidaa Ragga qaar soo indho cadyahay   ma’aha Somaliland la wada leeyahay,    ma’aha in aynu indho adeyg iyo qar   iska tuurnimo lagu sii socdo, aduunyada badankeeda    iyo daneeyayaasha gaarka ah ee Somaliland indhaha ayey    ku hayaan xaalada oo ma moogana, waxa loo baahanyahay    oo dadka reer Somaliland ku abtirsada deeqda waa Somaliland   loo dhanyahay taasna waxa had-ba masuuliyadeeda leh Madaxweynaha   Somaliland ee markaa tallada haya; Xaqqa Allah dhamaanteen ina waafajiyo   insha’allaah.

Dr.khadar -Libaaxley

   dr.khadar05@gmail.com

   gargorey4@gmail.com

   Regional political analysts

Ahna   isbedel   Doonka Siyaasada   Dalka

    9/16/2019


Advertisements

Be the first to comment

Leave a Reply