Foojig la’aanta Siyaasiyiinta Soomaalilaan iyo Fajida Kuwa Soomaaliya.

W/Q: Cali Cabdi Coomay

Haddii aynu waxba ka baran-weyno wixii hore inoo soo maray waa ayaandarro ta ugu weyn. Madaxweynihii hore ee Maraykanka ee John F. Kennedy ayaa laga hayey xigmadan” Those who don’t learn their past mistakes are likely to repeat it again” oo nuxur ahaan noqonaysa, kuwa aan waxba ka baran wixii soo maray, khaladaadka ay galaan way ku celcelin goor kast. Marka taariikhda dib loo eego dhammaan kulanno kala duwan oo ay siyaasiyiin reer Soomaaliya ahi la yeesheen siyaasiyiin reer Soomaalilaan waxa ay uga faa’iidaysteen qaab siyaasadeed, oo aanay markii hore dareensanayn siyaasiyiinta Soomaalilaan.  Bal eeg dhacdooyinkii dhexmaray siyaasiyiin reer Soomaalilaan ah iyo kuwa Soomaaliya.

Dhacdadii Koowaad:

1989-kii ayuu Siyaasiga Axmed Siciid Samatar (Gacaliye) la odhan jiray ayaa Gudoomiyaha SNM oo Hotel Adisababa ku yaal ku jira la soo fadhiistay , halkina Coffee lagu wada cabay , si caadiya loo sheekaystay ileen waa rag is yaqaan asxaab ahaaye , Gacaliye Mucaarad wuxuu ku ahaa Siyaad Barre dawladiisii wakhtigaa , waxaanu ahaan jiray safiirka Somalia u fadhiyey dalka Faransiiska , la wada Bunee!

Galinki danbe idaacada BBC ha soo gasho , waaba Weriye Cabdilaahi Xaaji oo Gacaliye waraysanaya iyo Gacaliye oo leh Wada hadalo u furmaya Siyaad Barre iyo Siilaanyo.

Sidii haddaba la iskugu buuqayey ayaa la is-oogsaday , Madaxdii Jabhadda ayaa shir deg-dega isugu yimaadeen , Siilaanyo isagoo isku kalsoon buu si cod-karnnimo ah uga waramay sidday wax u dhaceen halkii ba Tuhunkii Gacaliye ka faafiyey lagu saaray loona aqoonsaday in Wanjal Mudugaysan meesha ka dhacay.

Dhacdadii Labaad:

1990-kii Saleebaan M. Aadan oo SNM u qaabilsanaa Arimaha Dibada oo markaa magaalada Diridhaba ku sugan ayaa safaarada Talyaaniga la soo hadashay una sheegtay in waraaqo u yaalaan safaarada oo ay soo doontaan , Saleebaan wuxu la soo hadlay xafiiskii SNM ee Adisababa si ay waraaqaha uga doonaan wuxuna faray inay u soo qaadan (Waraaqaha waxay yihiin lama oga) inamaddi ba tagay oo soo qaaday waraaqihii , waraaqihi haddi la soo qaaday waxa warbaahinta lagu arkay in Ururka SNM ogolaaday in Siyaad Barre dawladisa kula shirto Qaahira dawlada Talyaaniga iyo dawlada Masar ay halkaa ku heshiisiin doonaan , warkii baa duulay oo dawladdii Itoobiya lafteeda ka xumaatay , Madaxda Ururka oo markaa Gudoomiye ka ahaa IHUN Cabdirahman Axmed Cali ay ka xumaadeen , Saleebaan ba loo yeedhay wuu is baraxay in aanu wax warqada ku jira war ka hayn ilaa la yidhi soo doono , safaarada umay sheegin in waraaqahan ay ku jirto “invitation” kii shirkaa la rabay in la isu soo hor fadhiisiyo Cabdirahman Tuur iyo Afweyne. 

Iyaba waa wanjal kale oo Talyaani iyo Masar soo maleegeen , dawladda Xamar Siyaad Barre ka faaiidaysatay!, Dhacdadani waxay sababtay in xafiiskii SNM ee Adisbaba laga bedelo masuuliyiintii joogtay laguna bedelo Masuul kale si arrinkan xal looga gaadho , tuhunaddii dhacay ee arinkan abuurtayna la suuliyo.

Dhacdadii Saddexaad:

Prof.  Ibraahin Maygaag Samatar AHN oo ahaa Gudoomiyaha ugu danbeeye Golaha dhexe ee SNM sidoo kale Gudoomiyaha Barlamanka SL ee ugu horeeyey. Wax yar ka dib shirkii Golaha dhexe SNM ee ugu danbeeyey 1992 , ee la iskula qaatay in golaha dhexe SNM loo badalo gole barlamaan tiradana la kordhiyo si loogu biiriyo dadkii kale aan markaa SNM ka mid ka ahayn , ayuu safar ugu baxay magaalada Adisababa oo shir loogu qabanayay Madaxda jabhadihii Somalida Koonfureed , Somaliland waxa ay kaga qayb gashay goob joog ahaan.

Ibraahin IHUN , sidda uu iiga sheekeeyey mid ka mid ah inamaddi Airport ku soo dhaweeyey wuxuu ka waraysay Hotel-ka ay dagan yihiin Madaxda Jabahadaha , inamaduna hotel Geon markaa wufuuda Soomaalida inay dagan yihiin bay u sheegeen , wuxuu ku yidhi adeer soo wada eeg Hotelada kale inay degan yihiin in kale , waxa aan rabaa Hotel aanay nimankaasi joogin!!! …wuxuuna u raaciyey waan jeclaan lahaa inaan la kaftano oon la sheekaysto inagoo Guulaysanay oo Madax bannaan laakiin sidda ku aqaano imika BBC-da la hadlayaan oo been inaga sheegi.

Akhirkii Ibraahim wuxu ku dagay Hotel aanay qoladaasi deganayn , shaqadii u tagay Adisababa sidii u doonayay ba u gutay , Warbaahintana ugu waramay ujeedada safarkiisa iyo sababta Soomaalilaan u joogto shirka. 

Dhacdooyinkaa sare waxa aan ka soo Tixraacay qoraal uu diyaariyey Maxamed Dubbe, oo degan Qadar.

Safarkii Naryoobi ee Madaxda Xisbiga Waddani.

Sannadkii 2016 safar ay madaxda xisbiga Waddani ku tageen caasimada Kiiniya ee Naryoobi, ayuu ka dhashay tuhun ahaa inay kulan la qaateen qaar ka tirsan madaxda Soomaaliya. Hasayeeshee muu jirin wax caddaynaya inay kulmeen, marka laga tago faallooyin tuhun wata oo ay dadka ka soo horjeeda xisbiga. Madaxda  xisbiga Kulmiye ayaa safarkaasi ku micneeyey in kulan la qaadanayaan madaxda Soomaaliya, oo xisbigu uu Soomaaliweyn dabada ku hayo. 

Kulankii Faysal  iyo Farmaajo iyo Fal-celintii Madaxweyne Biixi.

Badhtimihii sannadkii 2018 ayuu guddoomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe uu kulan la qaatay madaxweynaha Soomaaliya oo ka qaybgalayey shir kooxaha Soomaaliya loogu qabanayey dalka Biljim. Dabadeed waxa si weyn uga soo horjeestay inta badan ra’yu caamka shicibka Soomaalilaan. Waxa dooddo iyo falaqeyn ballaadhani ka socotay warbaahinta maxliga ah ee Soomaalilaan. Xisbiga Waddani oo kulanka Faysal iyo Farmaajo ka hadlaya ayaa isna xisbiga Kulmiya ee talada dalka haya ku eedeeyey inuu wax ka ogaa kulankaasi. Loona baahan yahay in shacabka loo caddeeyo. Dhinaciisa  Madaxweyne Muus Biixi oo shir jaraa’id kaga hadlayey kulanka Faysal iyo Farmaajo ayaa yidhi” Amakaag ayay nagu noqotay xittaa maanu ogeyn inuu baxay, isaga oo Farmaajo la jooga ayuun baanu aragnay, mana dhici karto, waana la arki doonaa waxa ay tallaabadani ku dambayso”. 

Kulankii Madaxweyne Biixi iyo Wasiirradii Soomaaliya.

Sawir dhex wareegayey baraha bulshada Soomaalida oo ay ka wada muuqdaan madaxweyne Biixi iyo wasiirro ka tirsan dawladda Soomaaliya, oo uu weliba ku jiro wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya oo ahaa ninkii dagaalka qaawan ee dublamaasiyadeed hadh iyo habeen kula jiray Soomaalilaan ayaa xaqiiqo noqday. 

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo ka faa’idaysanaya kulanka sawirka ayaa qoraal koob soo dhigay bartiisa Facebook oo yidhi” Dadka Soomaaliyeed waxay u ooman yihiin nabad waarta iyo dib-u-heshiisiin dhab ah. Farriinta wanaagu ka muuqdo ee ka socota dhammaan Xaajiyaashii Haram-ka ku kulmay waxay muujineysaa in aan loo kala harin is ku dhex jira, midnimadooda, iyo rabitaanka ummada Soomaaliyeed ee wada noolaasha iyo wadajir wax u qabsiga taas oo aas-aasi u ah nabad waarta iyo guul aan gaarno”. Wuxuu inagula hadlayaa luuqada uu kula hadlo maamul-goboleedyada Soomaaliya, oo wakhtigan u baahan nabad iyo dib-u-heshiisiin dhab ah. Hasayeeshee Soomaalilaan way ka soo gudubtay marxaladii dib-u-heshiisiinta. 

Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo la hadlayey Tilifiishanka UNIVERSAL isaga oo hadlayey arrintii ay xidhiidhka ugu jareen dalka GINNI wuxuu yidhi”Gini waxay martiqaad sida madaxda ah u samaysay hoggaamiye ku andacoonaya in uu Soomaaliya ka goosanayo oo dalka kala qaybinayo mana aha mid waafaqsan xidhiidhka caalamiga ah iyo qaraarrada ururada anaga iyo Gini ba aanu ka midka nahay sida: UN-ka, ururka Iskaashiga Islaamka, ururka Afrikaanka, markaa waxaan u malaynaya Gini waxay u nuglaatay Pressure(cadaadis) dal kale uga yimid iyada oo og in aanay arrintani habboonayn ayay xadgudub sameeyeen, marka anaguna waxaanu dooranay in aanu u sheegno oo nidhaahno ‘idinkama yeelayno in aad qarannimadayada meel kaga dhacdaan oo qawaaniintii la isku yaqaanay ku xadgudubtaan oo horseedaan khatar midnimada umaddayada soo wajahda iyo waliba in uu arrinkoodu dib u dhigi karo Soomaalidii oo doonaysa in ay wada hadasho.”

 Horta ninka madaxweynuhu la sawiran yahay waa ninka noocaasi u hadlayey. Markii warka taswiirtu si fiican u soo baxay ayuu guddoomiyaha xisbiga Waddani kaga jawaabay” Annagu odhan mayno waa Soomaaliweyn, balse ficilkooda ayey ka muuqaataa Soomaaliweyn”. Guddoomiye Cirro wuxuu u muuqday nin fursada ka faa’iidaysanayey maadaama oo isaga laftiisa dhawr jeer oo hore farta lagu goday inuu a aamisan yahay afkaar Soomaaliweyn ah. 

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah. 

Hargaysa, Soomaalilaan 

Calicoomay@gmail.com

Advertisements

Be the first to comment

Leave a Reply