Fikrada Guban: Somaliland la-hayste u noqon mayso xildhibaano saaqiday In

Maalmahan dambe waxaa maqlayaa hanjabaadyo iyo hadalo badan oo ka imaanaya odayaal, siyaasiin iyo xildhibaano matalaya beelo saluugsan tirada xildhibaanada ay ku leeyihiin baarlamaanka. Waxayna ku hanjabayaan inay qaadacayaan doorashada baarlamaanka ee 2019.

Shalay shir uu baarlamaanka ku ansixinayey heshiishkii saddexda xisbi ee doorashooyinka 2019 waxaa qaadacay xildhibaano xilligoodii uu dhacay oo ka socday gobolada Awdal, Sool iyo Bariga Sanaag.

“Ma ogolin heshiiskii xisbiyada; haddaan saami-qaybsiga si cadaalad ah loo helin. Ama maxkamad geeya ama f— aabaheed geeya. Ma galayno. Haddaan dadka la diiwaangelin, oo “census” la sameyn, oo cadaalad wax lagu qaybsan, saami qaybsiga la Saxin, ma galayno. Saasna shacabkeenna wakiil kaga nahay “, waxa yidhi, Xildhibaan Cali Barre (Dhahar).

Ninkaas afka xun ee saaqidka ah, ay qabyaaladu googoosay,oo ‘Isxambaar’ ku yimid;  weligiis doorasho ma gelin; dad soo doortay ma jiraan. Ku dhawaad 15 sano ayuu ahaa xildhibaan matala degmada Dhahar, Sanaag. 

Mudadii uu ka tirsanaa baarlamaanka weligiis kama uusan hadlin saami-qaybsi iyo wax la mid ah. Waxa uu ka mid yahay koox xildhibaano ah oo laalush qaatayaal ah. Maamuladii Riyaale iyo Silanyo laalush bay ku maareyn jireen baarlamaan ku sheega. Laakiin, Biixi, oo xakameeyey musumaasuqii waa inuu la yimaadaa xeelad uu ku fuliyo heshiiska saddex xisbi ama waa in uu kala diraa baarlamaankan fashilmay. Maanta arrinta waxay tagtay qabiil qaawan iyo isu boodo.

Xildhibaanadan way cadaysteen waxa ay doonayaan: In doorasho baarlamanka 2019 aysan dhicin.

Waxay arkeen in Somaliland ay ku jirto is qab qabsi siyaasadeed oo ka dhalatay doorashadii madaxtinimada 2017. Taas bay u arkeen fursad siyaasadeed oo ay ka faaidaysan karaan.

Saami-qaybsi, tiro koob, iyo diiwaangelin , waa sawaxan iyo buuq, waxa ay doonayaan in la wiiqo Somaliland.Dadka nabada dhistay in la kala qaybiyo oo fitno laga abuuro. Kama maqna dad u adeegaya dano kooxo laga soo abuubulay: Ankara, Doha ama Mogadishu.

Baarlamaanka Somaliland waxa lagu saleeyey lix gobol. Gobol walba tiro go’an ayaa loo qoondeeyey. Inkastoo aan la tixgelin tirada dadka ku nool gobolada. 

Somaliland markay xoriyada qaadatay waxay Ka koobnayd labo gobol. Dawladdii Faqashta ayaa wareegto ku kordhisay saddex gobol oo kale. Goboladaas qaarkood habka loo sameeyey waxay ahayd mid ku salaysan qabiil, si lagu kala qaybiyo dadweynaha Somaliland.

Madaxweyne Cigaal waxa uu ku diray gobolka Saaxiil uu ka soo jaray Waqooyi Galbeed. Inkastoo dadka qarkiis ay u arkeen in Cigaal gobolka Saaxil uu ku naasnuujiyo reerkisa.

Baarlamaan xor ah oo ansixiyey xuduuda iyo inay sharci ku salaysan gobolada dalka ma jiro.

Xuduudada goboladan weli muran ayaa ka taagan: Degaano ka mid ah xeebta Guban ayaa laga codayn.

Habka lagu soo doorto baarlamaanka waa fawdo iyo qas. Si loo helo maamul hagaagsan iyo baarlamaan cadaalad iyo xaq lagu soo doorto, waa in si dhakhsi leh wax looga bedelaa habka loo soo doorto baarlamaanka.

Doorashadii baarlamaanka 2005, waxaa dhacay in xildhibaanada qaarkood lagu soo doortay tiro ka yar 2,000; xildhibaanno kalena iyagoo helay cod ka badan 5,000, aysan Ka mid noqon baarlamaanka. Taasi waa arrin khaldan, mana aha hab lagu doorto baarlamaan. Kumaankun dad ayaa codadkooda waxba laga soo qaadin. 

Tusaale ahaan, guddoomiyahii hore ee baarlamaanka, Cirro, ayaa Ka mid ahaa xildhibaanadii laga soo doortay gobolka Saaxil cod ka yar 1,800.

Waxa cadaalad oo xaq ah in 82 xildhibaan lagu soo doorto cod isku mid ah gobolada oo idil. Xildhibaan walba waa inuu leeyahay dad iyo deegaan oo cayiman (constituency) ee uu wakiil ka yahay. Baarlamaanku waa inuu ka kooban yahay 82 deeganno(Constituencies).

Hadda tiro koob qaran lama hayo daruufo dhaqaale darteed. Waxaase jira tirada codbixiyayaasha ee doorashooyinka barlamaanka iyo madaxtinimada Somaliland:  2005,670,328; 2010,538246; iyo 2017, 565,617. Si lo helo tiro codka ee xildhibaanku u baahan yahay inuu kaga mid noqdo golaha baarlamaaka, waa in la qaataa “average” ka codbixiyayaasha loona qaybiyaa 82, tirada xildhibaanada. Tirada soo baxdo oo ku dhow 6,000-7,000, waa tirada xildhibaan lagu noqon karo ama tirada codbixiyayaasha uu xildhibaanku wakiil ka yahay.

Laakiin, waxa jira deegaano ay dawlada Somaliland maamulkeedu si fiican ugu fidin sida Dhahar, Badhan iyo Buuhoodle.Deegaanadaas wakiiladooda waa in si gaar ah loo xulaa inta ay ka dhacayso doorasho xor ah.

Waa inuu caqliga shaqeeyaa oo caadifada qaabiilka qaawan laga saaraa arrinta saami- qaybsiga baarlamaanka. Odayaasha macawislayassha ah oo aanan aqoon u lahayn sharciyada doorashooyinka, habka ay dawlada u shaqayso, dhaqanka, iyo diintaba, waa inay joojiyaan caadifada ay wadaan—-ogaadaanna in gobolka Awdal aysan hal beel oo keliya deganayn.

Dad badan oo reer Awdal ah oo anigu ka mid ahay ayaan ku raacsanayn fawda ay wadaan odayaashan/siyaasiinta iyo xildhibaanadan saaqiday.

Odayaashan/siyaasiin iyo xildhibaanadan fashilmay ayaa doonayo in Somaliland ay ka baxi waydo is-qab-qabsi mar walba taagan. Is-qab qabsigaas oo hortaagan in  Somaliland noqoto qaran hore u socda.

Somaliland arrimaheedaeeda waxa ay ku dhammaysan jirtay wada hadal iyo wada tashi. Taasna ayayna ku caana maashay.Arrintan saami-qaybsigana waa la xalin karaa,waa haddii dadku ay isku dan, fikir, iyo mowqif yihiin .Siyaasigii ama xildhibaankii aan aaminsanayn mowqifka iyo himilada dadka reer Somaliland waxa habboon inuu fawdada ka daayo dadkan aayahooda ka tashaday.Hadduusan ku qanacsanyan Somaliland, xor buu u yahay inuu tago Mogadishu.

Xildhibaanadan, wakhtigoodu dhammaaday, waxay ka soo bixi waayeen shaqadii loo igmaday. Waxay danta ku jirtaa inay ansixiyaan heshiishyada saddexda xisbi ee xuurta ku haysta siyaasada Somaliland, si ay doorashada baarlamaanka 2019 oo wakhti yari ka harsan tahay, ay u qabsoonto.

Somaliland waxyaabo badan ayaa qabiyo ka ah: In la dhammaytiro heshiiskii Khaatumo iyo Somaliland, saami-qabsiga baarlamaanka—oo ku salaysan tiro cod  oo isku mid gobollada oo idil– dastuurka oo dib loo eego, iyo in xisbiyada la furo. Si ay noogu hergilaan waxyaabahaas oo idil, waa in marka hore la doorto baarlamaanka 2019, oo ka shaqeeya horumarinta dhaqaalaha, abuuris shaqo, iyo Somaliland oo mideysan, xor ah, oo barwaaqo ah.

Soomaliland la-hayste u noqon mayso xildhibaano saaqiday, oo dano shisheeye fulinaya. Hanjabaad, laalush, iyo is qab qabsi dambe socon mayso.WAANU GALAYNAA DOORASHOOYINKA BARLAMAANKA EE 2019.

Ali-Guban Mohamed
Editor,  
Gubanmedia.com

Covering the Horn of Africa 

aliadm18@gmail.com



Advertisements

Be the first to comment

Leave a Reply