Farmaajo oo la ogolaysiiyay in Xidhiidhka Somaliland iyo Somalia u dhexeeyaa aanu marnaba waxyeello u gaysan nabadda Gobolka .

Farmaajo oo la ogolaysiiyay in Xidhiidhka Somaliland iyo Somalia u dhexeeyaa aanu marnaba waxyeello u gaysan nabadda gobolka . Taa micnaheedu marka la raaco luqadda dublomasiydda  waa: A) Inay xamar ogolaatto in wada-xajoodka iyo Mufaawad lagu dhammeenayo muranka guunka ah ee u dhexeeya Somaliland iyo Somalia ee la xidhiidha Madaxbanaanida Somaliland. B) inaanay Xamar marna adeegan dagaal toos ah amma  shaqaqoyan iyo hagardaamo  ay iyadu si dadban u  usoo abaabuso oo ku wajahan Somaliland.

Arrinka Dakadaha  isaga waa uun magacdhabay oo wax tasaasiil ah lagama bixian. Ka aamuska dakadaha marka la barbardhiga xaalka imminka taagan iyo Ethiopia oo heshiisyo dakadaha ah gashay Somaliland , waxa muuqatta in Xamar dakadaha Somaliland aan waxaba laga waydiin wakhtiga xaadirka ah  mustaqbalkana hadalkiiba daa.

Advertisements

Be the first to comment

Leave a Reply