Ethiopia iyo Gudiga Qiimeynta DP World waxaanu ugu Baaqeynaa Lughaya ayaa 123 KM uga dhow Jigjiga iyo Diridhaba Berbera !! By: Dr.Khadar-Libaaxley.

Ethiopia  iyo Gudiga  Qiimeynta DP World   waxaanu ugu Baaqeynaa  Lughaya ayaa 123 KM uga  dhow Jigjiga iyo Diridhaba  Berbera !! By: Dr.Khadar-Libaaxley.

Majirto     Somaliland, Djabuuti  iyo Somalia Xeeb Somaali   leedahay oo uga Dhow Biyaha   Awdal Ethiopia iyo rabitaankeeda,  hadii cadaalada iyo xeebta ugu  mudan aaney Go’aanka iyo Tallada  Hargaisa taallaa ka Xaglineynin.

Ixtiraam   weyn ayaan   u hayaa Hishiisyada    Somaliland iyo Shirkada DP World     ay wada galeen nooc ay yihiin   ba ee ku aadanaa Maal-gashiga Dekada   Berbera, waxase aan Dareemayaa , arkayaa  in Hishiiskaasi il-duuf iyo ku dhisanyahay  hab cadaalad daro weyn ah marka loo eego    XEEBTA UGU MUDAN ee waliba HABOON dhanka istiraatijiyada   iyo dhawaanshaha Ethiopia Magaalooyinkeeda Waaweyn ee ay ka   mid yihiin Jigjiga iyo Diri-dhaba iyo waliba Addis-ababa ; arinkani   waa tallo ganacsi iyo Maal-gashi , Ganacsigu sidiisaba waxa uu    ku faa’idaa nabadgalyo ahaan GOOBTA UGU DHOW EE KAAFIN KARTA BAAHIDA   ADEEGA LA RABO.

NM Gobolada  Awdal iyo   Saaxil waa xeebaha   ugu dhaw Ethiopia dhanka  Somaliland .            
Xuduuda    labada dal   ee Somaliland iyo   badka ay u jiraan     biyaha bada.
1.Berbera    illaa Jigjiga

317.4 km
2.Lughaya    illaa Borama  illaa Jigjiga ( Borama  xadka ayey ku taalaa )

194 km
3.Xariirad     illaa Zaila   corridor 85 km
4.Geestiir     illaa Zaila   corridor 60 km

Gabogabo   iyo Gunaanad:

Ka    dhalinyaro      ahaan waxa aanu   ku war-galineynaa Dawlada   faderaalka Ethiopia iyo Shirkada   DP World gaar ahaan Gudiga farsamo  ee wada qiimeynta iyo hubinta istiraatijiyada    meelaha ku haboon Maal-galinta iyo Dhigida badeecooyinka    ganacsi in aaney jirin Somaliland, Djabuuti iyo Somalia Xeeb   Somaali leedahay oo uga Dhow Biyaha Awdal Ethiopia iyo Magaalooyinkeeda   waaweyn, Waxa aanu baahiweyn u qabnaa in aanu dareeno Cadaalad Maal-galineed   ee Shirkada DP World marka ay noqoto Maal-galinta Dekadaha iyo Xeebaha taasi oo   aan Deeq aheyn balse ah Mid ay ku jirto Danta iyo Macaashka Shirkada Sidoo kale .

Dhalinyarada    Awdal waxa  ay ka codsanayaan    Ethiopia iyo Shirkada  DP World ee xeebaha   Maal-galisa in Xeebaha Awdal    noqdaan Dekadaha iyo Marinka ugu    weyn ee Geeska Afrika Maadaama oo   ay Ethiopia isticmaali jirtay Dekada Zaila    Qarniyadii 10 aad illaa dhamaadkii Qarnigii 18 aad,   sidaa daraadeedna Xaq iyo Xasuuso gaara oo taariikhdu    Qortay ay isku leeyihiin Ethiopia iyo Xeebta Awdal.

Ugu     dambeyn  DP World  waan ku dhiiri   galinayaa in ay   dedejiso fuliso hishiiskii     ay horey Somaliland ula gashey    ee Dekada Berbera sidii uu ahaa ;   Xeebta Awdal na noqota tallaabada labaad   iyo Dekada ugu Weyn ee Masiiriga ah geeska   afrika maadaama Xeebta Awdal ay ka mudantahay     Berbera isla markaana uga dhawdahahay Ethiopia; Dhawaanshaha    macnihiisu waxa uu yahay Bad-baadin iyo kaydin Dhaqaale iyo Wakhti    joogta ah oo lagu bixin la haa meel laga mudanyahay. ( Ever long lasting   saving money and time for investment to the right sea ports).

Dr.khadar -Libaaxley

  dr.khadar05@gmail.com

  gargorey4@gmail.com

  Regional political analysts

Ahna   isbedel   Doonka Siyaasada   Dalka

   4/22/2019

Advertisements

Be the first to comment

Leave a Reply