Ergada Dhedhexaadintu Gar-cadaawe Ayay Qaadeen – Cid Waliba Khaladkeedii Ayaa Qoorta U Sudheen.

GOLAHA GUURTIDA: Xil kordhinta labada sannadood eydin u samayseen Golaha wakiiladu waa qayrul-sharci, waxay ku salayantaahy lama yaqaan. 3da sannadood eydin isa siisyeena hadal koodba reeb.  Dib Ula Noqda

GOLAHA WAKIILADA: Komishanka aydin ansixiseen, isgoon qalin kor u qaadin ayaa la isku haystaa. Lama arag Gole Garsoor amma Lajnad Taxkiim ( ( لجنة تحكيم ) oo magacawgeedii la siku haysto oo hadana shaqo tagtay . Dib Ula Noqda

MADAXWAYNAHA:  Ina Riyo-raac xubin-nimadiisa ayaa hadal ka joogay, Gudoomiyana hadalkiisa reeb.  Dib Ula  Noqo

KOMISHANKII HORE: Iyadoo la is ogolyahay ayaa la idin magacaabay . Hadana 3dii xisbi mid ayaa idinka cabanaye – waa Minority . Ta labaad, kor-joogayashii caalamiga ahaa, ummada Reer Somaliland iyo maxkamadda sare ayaa indin bari-yeelay. Soo Noqda.

FAISAL: Halkaagii ayaa la isgu imanayaa. Sabankan cid miyir qabtaba Faisal baa la hayaa.

Xasan Cabdi Yususf

Kafaaloode Arrimaha Geopolitical ka Gobolka

Hargeisa, Somaliland

Be the first to comment

Leave a Reply