DP World Oo Soo Gabagabaysay Diraasad Khad Logistics (Safro & Alaab) Oo Xudduntiiisu Tahay Dekedda Berbera Iyo Xarun Laga Dhisayo DiriDawa

Sharikadda DP World ayaa ku dhawaaqday inay 3 bilood gudahood kusoo gaba-gabaynayso  diraasad la xidhiidha dhismaha iyo maamulka Xarun Logistic (Safraha iyo Alaabta) ee  Bariga Afrika oo ay xudduntiisu noqonayso dekadda Berbera,  isla markaana ay Ethiopia Tahay wadanka ugu horreeya ee ka Faaiidaysanaya. Arinkaas waxa DP World ku dhiirigaliyay barnaamijka Private amma lahaansha Gaarka ah lagaga dhegayo hantidda xukuumadda Ethiopia, taas oo  la filayo inay furfurto hab dhaqanka ganacsiga ee Mandaqadda.

Madaxa DP World Sultan Ahmed bin Sulayem, ayaa Maalintii Hargeysa Lagu  saxiixayay mashruuca ballaadhinta Dekedda Berbera ee Bishii Oktomber sheegay inay DP World Isha Ku Hayso mashruuc Logistic amma Safraha & Alaabta ee Ethiopian u adeega , Gaar ahaan ka dib markay Ethiopia ku dhawaqday in hantida dawladda Ethiopia laga dhigayo Private oo sharikado gaar ahi yeelanayaan.  

Sidoo kale, dhawaan madaxa DP Wold ee Bariga Dhexe Iyo Afrika Mudane Suhali Al Banna Ayaa isna sheegay inay 3 bilood ee soo socda ku dhammays tirayaan diraasad  Xarun Logistic  Amma Safraha & Alaabta oo ay xuddunteedu noqonayso Dekededda Berbera.

Waxaa kale oo ay Emirateku hadda darsayaan xurub Logistics oo laga sameeyo magaalada Diri-Dhabe iyo dhulka ku xeeran. Waxa la filayaa mashruuca Berbera Corridor inuu noqdo Xuddunta Gobolka ee isku xidha Badda Cas, Europe iyo Bariga Fog.

Suhal Al Banna waxaa kaloo uu sheegay inay suurtogal tahay in Magalada Jigjiga ee Xarunta Ismaamulka Somalida Ethiopia ay iyana Khadka Logistics amma Safraha &Alaabta logi soo xidho.

Advertisements

Be the first to comment

Leave a Reply