Dowladda Mareykanka Oo Taageertay Xukun Ay Riday Maxkamada Somaliland

43

Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay xukun Somaliland ku riday Afar qof oo kamid ah dadka ka ganacsada xayawaanka loo yaqaano Haramcadka, kuwaasi oo lasoo taagay Maxkamad ku taalla Magaalada Hargeysa.

Qoraal kasoo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda oo lagu daabacay barteeda Twitter-ka ayaa waxaa lagu boggaadiyay xukunkii dhawaan Somaliland ku riday 4 ruux oo ka gacasanaayay Haramcadka, waxaana xukunkaas la sheegay inuu ahaa Ganaax lacageed.

Sidoo kale dowladda Mareykanka ayaa ku tilmaamtay arrintaan tallaabo horey loo qaaday, isla markaana gacan ka gaysaneysa la-dagaallanka ka ganacsiga xayawaanka Haramcadka ee Geeska Afrika.

“Waxaan bogaadinaynaa xukunkii dhawaan lagu riday afar ka mid ah ka ganacsada Haramcadka ka ganacsada Hargeysa. Dhacdadan waxay gacan ka geysaneysaa la dagaallanka ka ganacsiga haramcadka laga bilaabo Geeska Afrika illaa Bariga Dhexe” ayaa lagu yiri Qoraalka Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka.